25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Weerar kale oo caawa ka dhacay waqooyiga Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jug xoog leh iyo rasaas badan ayaa caawa mar kale laga maqlay qeybaha waqooyi ee magaalada Muqdisho, iyadoo xalay weerarro xoog leh ay Al-Shabaab ka geysteen degmada Kaxda iyo deegaanka Daaru-Salaam ee duleedka Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya goobta caawa la weeraray, waxaana aad u yar xogta laga heli karo, maadaama ay tahay goor habeen ah, dadkuna ay ku xaroodeen guryahooda.

Dad aan la hadalnay waxay noo sheegeen in hub culus iyo qaraxyo lagu weeraray saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin agagaarka saraha Ceymiska oo dhaca inta u dhaxeysa Daarusalaam iyo degmada Yaaqshiid.

Xaaladda aagaas ayaa caawa ah mid cabsi ah, waxayna dadku ku xaroodeen guryahooda, iyadoo weerarkaan uu ku soo aaday xilli xalay weerar culus ay Al-Shabaab ku qaadeen guri uu deegaanka Daarusalaam ka deganaa guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Hiliwaa.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa aad u xumaaday, iyadoo xalay dhamaan magaalada laga dareemay qalqal xoog leh, kadib markii weerarro culus oo qaraxyo ku bilaawday ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Kaxda iyo deegaanka Daarusalaam.

Kooxda ayaa xalay dhulka la sintay dhamaan dhismayaashii saldhigga degmada Kaxda, waxayna horay u sii kaxeysteen gaadiid dagaal oo yaallay saldhigga.

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay weerarradii xalay waxay shaaciyeen geerida laba qof, dhaawaca 16 kale iyo waxyeelo aan la cadeyn nooceeda oo soo gaartay seddax askari oo ka tiran ciidamada dowladda.

 

Daawo: Cabdinaasir Geelle oo shaaciyey arrinta ay isku qabteen Qoor Qoor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii Qorsheynta Galmudug Cabdinaasir Geelle Cilmi oo maalin ka hor iska casilay xilkaas ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, isagoo faahfaahin ka bixiyey sababta keentay inuu iska casilo xilkaas.

Wasiir Cabdinaasir ayaa aad u eedeeyey madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, isagoo sheegay in is-casilaadiisu ay salka ku heyso kursiga golaha shacabka ee beeshiisa ee Hop#147 oo Madaxweyne Qoor Qoor uu la rabo Mahad Salaad.

“Madaxweyne Qoor Qoor waan la fariistay oo waxaan ku iri madaxweyne tolkeyga ka daa sida aad ula dhaqmeyso, sida aad u maamuleyso kursiga Hop#147 ayeysan dhibaato ka dhex abuurin beesha aan ku metelo Galmudug, sidoo kale dadkeyga dowladnimada ha nacsiin ee u madax baney masiirkooda,” ayuu yiri Wasiir Cabdinaasir Geelle.

Geelle ayaa intaas ku sii daray in Qoor Qoor uu ugu jawaabay inuu bixiyey kursigaas, “Kursigaas nin ayaan siiyey, waana ku soo bixi doonaa ninkaas ayuu igu yiri Qoor Qoor.”

Intaas kadib waxa uu sheegay inuu go’aansaday inuu ka tanaasulo tartanka kursigaas, sidoo kalena uu iska casilo xilkii wasiirka qorsheynta Galmudug.

Wasiir Cabdinaasir Geelle ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ku tilmaamay nin aan rajo dambe ka leheyn wanaaga dowladnimada Galmudug, isagoo sheegay in aysan jirin cid uu heshiis la yahay ama uu talo ka qaadanayo, isagoo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta hoggaan xumo uu sheegay inay ka jirto Galmudug.

kursiga uu ka dhashay khilaafka Qoor Qoor iyo wasiirkiisii qorsheynta Cabdinaasir Geelle ee Hop#147 ayaa loo xiray Mahad Salaad oo horay ugu fadhiyey, waxaana laga hor istaagay musharaxiin badan inay u tartamaan, iyadoo galabta shahaadadii musharaxnimada la siiyey Mahad Salaad oo la doonayo Khamiista berri.

Hoos ka daawo

Daawo: Booliska Soomaaliya oo raali gelin ka bixiyey falkii maanta ka dhacay Kaxda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa war ka soo saaray jir-dil maanta degmada Kaxda loogu geystay weriyaal ka howlgala qaar ka mid ah warbaahinta madax-banaan ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Taliska booliska Soomaaliyeed uu raali gelin buuxda ka bixinayo falkii maanta lagu dhibaateeyey weriyaasha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in saraakiishii iyo askartii maanta falkaas kula kacay weriyaasha ay ku xiran yihiin xarunta CID-da, halkaas oo baaritaanadooda ay ka socdaan.

Afhayeenka booliska ayaa intaas ku sii daray in Taliye Xijaar uu amray ciidanka, in Weriye dambe aan laga hor istaagi karin shaqadiisa, taas bedelkeedna ay ciidanku u fududeeyaan warbaahinta macluumaadka ay uga soo baahato.

Askar iyo Taliye ku xigeenka ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa ka soo muuqday sawirro laga qaaday goobtii maanta jir-dilka loogu geysanayey weriyaasha.

Waxaa aad baraha bulshada ugu faafay sawirrada weriyaal lagu figeeyey meel qorrax ah, waxaana jir-dil iyo ciqaabo kala duwan ay ciidankaas u geysteen weriyaashii maanta degmada Kaxda u tegay inay soo tebiyaan dhibaatooyinkii ka dhashay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga degmadaas oo dhamaantiis ku burburay weerarka.

Ma jiraan wax cadeymo ah oo Afhayeenka booliska uu soo bandhigay, kuwaas oo muujinaya in la xiray askartii iyo saraakiishii maanta sida xun ula dhaqmay weriyaasha.

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyey qorshaha lagu soo celinayo askartii loo qaaday Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixino cusub oo la helayo ayaa sheegaya inuu meel fiican maraya dadaalka ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto in dalka dib loogu soo celiyo ciidamadii tababarka loo qaaday salka Eritrea, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida uu qorshaha yahay, Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa inay ciidamadaan dalka dib ugu soo celiso 2-3-da asbuuci ee soo socda haddii aysan waxba iska beddalin qorshaha iyo dadaalka hadda socda, sida aan ogaanay.

Qorshihii ugu horreeyey ee ciidamadan ayaa ahaa in dalka dib loogu soo celiyo Bishii September ee sanadkii hore, balse waxay dib ugu dhacday arrimo la xiriira dhanka Diblomaasiyadda.

Dhowr jeer oo la doonayey in ciidamadaan dib loogu soo celiyo Soomaaliya ayaa fashilmay, mana la hayo illaa hadda sababta ay ciidamadaas ay u joogaan dalka Eritrea, maadaama ay mar hore dhameysteen tababarkii loogu talagalay.

Tirada ciidamada Soomaalida ah ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa lagu sheegay illaa 5,167, inkasta oo ay jiraan warar kale oo sheegaya in tirada ay intaas ka badan tahay, oo ay ku dhowdahay 10,000.

Ciidamadan ayaa dalka Eritrea la geeyey intii u dhaxeysay August 2019 iyo June 2020, waxaana in ciidamadaan tababarka loo qaaday ku heshiiyey madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyaha Eritrea Isaias Afwerki.

Warar ay heshay warbaahinta qaar ayaa sheegaya in ciidamo Soomaali ah ay ka qeyb galeen dagaalka Tigray lagu qaaday inkastoo ay Dowladda Soomaaliya arrintaas si weyn u beenisay.

Qaramada Midoobay, NGO-yada madaxa banaan ee Tigray iyo hogaamiyayaasha Tigray ma aysan keenin caddeyn sugan oo muujineysa in ciidamo Soomaali ay ka qeybgaleen dagaalka ka dhacday Gobolka Tigray.

Mahad Salaad oo qaatay shahaadada musharaxnimo iyo Cali Yare Cali oo quustay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada maamulka Goboleedka Galmudug ayaa shahaadada musharaxnimada guddoon siiyey Xildhibaan Mahad Salaad oo shantii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa xubnihii sida weyn u mucaaradsanaa xukunka madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Mahad Salaad oo u sharaxan kursiga HOP#147, oo uu ku fadhiyey sanadihii lasoo dhaafay, ayaa waxaa la tartameysa Shamsa Cabdullaahi Maxamed, oo sida muuqata ah malxiis aan rajo laga qabin inay guuleysato.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa la hubaa inuu kusoo bixi doono doorashada kursigan, kadib markii laga xiray dhammaan xubnihii doonayey inay loolanka adag geliyaan.

Arrintaan ayaa ka dhigan in guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga ee maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali, oo ka mid ah ragga sida weyn u taageersan Farmaajo, uu si rasmi ah u waayey kursiga HOP#147 oo loo diiday xataa inuu u tartamo, ayada oo laga celiyey garoonka Aadan Cadde.

Cali Yare ayaa sanadihii lasoo dhaafay waqti iyo kharash badan geliyey sidii uu u heli lahaa kursigaan, Qoor Qoor ayaana ugu dambeyntii go’aan ku gaaray inuu kursigaan kusoo baxo Mahad Salaad.

Cali Yare oo dhawaan loo diiday inuu u safro Guriceel ayaa madaxweynaha Galmudug ku eedeeyey inuu isaga ka dambeeyey arrintaan.

Cali Yare oo la kulmay madaxweyne Farmaajo si uu kursigaan u helo ayaa loo soo deeriyey, wuxuuna Farmaajo kursiga Cali Yare dhaafsaday Kuraas kale oo ka taalay Galmudug oo uu u fudeeyey madaxweyne Qoor Qoor.

Muxuu ku saabsanaa shirkii deg degga ahaa ee ka dhacay xafiiska Rooble? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray hay’adaha amniga dalka, kadib falalkii argagixisadu xalay ka geysteen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shir-guddoomiyay kulankaas oo ahaa mid deg-deg ah, waxaana looga hadlay xoojinta amniga, xili ay dalka ka socoto doorashada Golaha Shacabka.

Kulanka uu Rooble iskugu yeeray saraakiisha ciidamada ayaa waxaa kasoo muuqday inta badan saraakiisha ciidamada, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, taliyaha ciidanka dhulka, taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA iyo taliyaha ciidanka booliska qeybta gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu dambeyntiina faray saraakiisha kala duwan ee ciidamada inay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga.

Kulanka Rooble iyo Saraakiisha ciidamada ayaa imanaya saacado kadib markii ay qaraxyo iyo dagaallo toos ah xalay saq-dhexe ka dhaceen qaybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Weerarka koowaad oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigga degmada Kaxda, waxaana gudaha u galay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerarka ku qaaday halkaasi, waxay sidoo kale dab qabad-siisay qaybo ka mid ah saldhigga, kadibna waxaa la sheegay in dagaalyahanadu ay horey usii qaateen laba gaari oo nooca dagaalka ah.

Weerarka labaad ayaa isna ku bilowday qarax oo uu xigay dagaal toos ah waxaana lagu qaaday xaafadda Daarusalaam, waxaana la sheegay in qaraxa lagu weeraray guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmada Heliwaa oo ku sugnaa halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sidoo kale xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraray saldhigyo ku yaal Calamada ilaa Ceelasha Biyaha, halkaasi oo rasaas xoogan laga maqlay, kadib markii ay difaac adag kala hortageen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Si kastaba, weeraradan ayaa si xoogan looga dareemay guud ahaan caasimada oo dhan, xilli magaalada ay ka socoto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka.

Ciidanka Haramcad oo fal yaab leh ku kacay kadib qaraxyadii xalay ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Haramcad ayaa isugu daray Jirdil iyo xarig sharci-darro ah qaar ka mid ah Suxufiyiinta ka howl-gala Warbaahinta Madaxa Banaan ee magaalada Muqdisho oo isu diyaarinayey tebinta dhibaatadii ka dhalatay weerarkii xalay lagu qaaday Saldhigga Degmada Kaxda.

Wariyayaasha xarigga iyo tacadiyada loo geystay ayaa aaday Saakay Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir si ay u soo tabiyaan warar ku saabsan weerarkii ka dhacay Degmada Kaxda kaas oo ay masuuliyaddiisu sheegatay kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirto ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ciidanka ku kacay falkan lagu dhibateeyay Suxufiyiinta ayaa waxaa horkacayay Taliyaha Ciidamada Haramcad (Fanax) oo ka mid ah saraakiisha ku caanbaxday xadgudubyada ka dhanka ah xarumaha saxaafadda iyo Xuquuqda Aadanaha.

Wariyaasha jirdilka loo geystay ayaa waxaa ka mid ah Agaasimaha (Five Tv) Aweys Maxamuud Jilacow iyo qaar ka mid ah Wariyaasha ka howgala Tv-yada (Somali Cable) & (Dalsan Tv).

Sida ay ogataay Caasimada Online, Wariyaasha ayaa waxaa lagu kala magacaaba Maxamed Baarri, Ismaaciil Maxamed Muuse iyo Maxamed Yuusuf Xasan, waxay illaa hadda ku jiraan gacanta ciidanka uu horkacayay Fanax.

Warbaahinta ayaa heshay sawirro muujinayo Suxufiyiinta oo laga qaaday qalabkii ay ku howl-galayeen dabadeedna xabadka dhulka loo dhigay, islamarkaasna uu ag-taagan yahay Taliye Fanax oo horkacayay ciidanka tacadigaas geystay.

Qoraal kaidb falkaas ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in la xiray ciidankii falkaas gaystay, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo sharciga lagu marsiinayo.

Maahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Haramcad sameeyaan fal noocaan oo kale ah, waxaana ka horeeyey tacadiyo ay u geysteen qaar kamid ah wariyayaasha Soomaaliyeed.

DF oo shaacisay khasaaraha weeraradii xalay ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qaraxyo iyo dagaallo toos ah oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah Muqdisho, kadib weeraro ay ku soo qaadeen xoogaga Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlayey wariyeyaasha ayaa sheegay in weerarka ka dhacay Kaxda uu ku billowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, wuxuuna tilmaamay in ciidamadu ay sameeyeen iska caabin.

Cabdifitaax ayaa sidoo kale xusay in weerarkaas uu khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah iyo dhismaha saldhigga, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in inta uu socday dagaalka ay Kaxda gaareen ciidamo gurmad ah oo sameeyey howlgal ay kusoo qab-qabteen dad lgu tuhmayo weerarkaas.

“Weerarka ka dhacay degmada Kaxda waxaa waxyeello kusoo gaartay dad rayid aah iyo dhismaha Saldhigga Degmadaas, Ciidamada ayaa sameeyay howlgallo ka dhan ah kooxaha weerarka soo qaaday” ayuu yiri afhayeenka ciidamada booliiska Soomaaliya.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday weerar kale oo ka dhacay xaafada lagu magacaabo Daarusalaam oo isna ku billowday qarax culus, wuxuuna tilmaamay inay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen askar iyo dad kale oo shacab ah.

Afhayeenka booliska ayaa xaqiijiyey in dadka dhintay ay ku jiraan laba gabdho oo yar yar ah, askar ka tirsan ciidamada booliska iyo kuwa milatariga Soomaaliya.

“Daarusalaam weerarka ka dhacay waxa ay waxyeello kasoo gaartay ilaa 16 ruux oo Shacab ah oo dhaawac soo gaaray, waxaana u xannuun badan ilaahaye ha u naxariistee labo Gabdhood oo yar, saddex Askari oo Booliis, Miliatari iyo kooxaha ka shaqeeya nabad-galyada ayaa waxyeello ku gaartay” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay weeraradan, waxaana ay shaacisay inay khasaare ku gaarsiisay askar ka tirsan dowladda, ayna kusoo furatay hub iyo gaadiid.

Weeraradan oo dhacay xilli saq-dhexe habeen ah ayaa kusoo aadaya, xilli magaalada Muqdisho ay ka socoto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka.

PUNTLAND oo shaacisay qabashada doorashada 16 kursi – Yaa hadda ku fadhiya?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee Puntland ayaa shaaciyey qayb ka mid ah kuraastii ugu horreeyey ee ay deegaan doorashadoodu tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kuwaas oo doorashadooda la qabanayo maalmaha soo socda.

Guddiga ayaa soo saaray liiska 16 kursi oo kala ah:-Hop#220, Hop#169, Hop#076, Hop#149, Hop#157, Hop#142, Hop#227, Hop#190, Hop#228, Hop#234, Hop#273, Hop#083, Hop#222, Hop#036, Hop#027 & Hop#158.

Sidoo kale warqadda kasoo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in jadwalka doorashada kuraastan iyo sida ay u kala horreeyey ay dib ka faah faahin doonaan.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee lagu gaaray magaalada Muqdisho, sida uu shaaca ka qaaday guddiga SEIT ee Puntland.

Yaa ku fadhiyey kuraastan 16-ka ah ee la shaaciyey?

1- Hop#220 waxaa ku fadhiyey Cabdirashiid Maxamuud Xasan Cabdi.
2- Hop#169 waxaa ku fadhiyey Wasiirka Wasaaradda qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan.
3- Hop#076 waxaa ku fadhiyey Muuse Axmed Ismaaciil.
4- Hop#149 waxaa ku fadhiyey Axmed Ismaaciil Maxamed.
5- Hop#157 waxaa ku fadhiyey Maxamed Cabdullaahi Xasan.
6- Hop#142 waxaa ku fadhiyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim.
7- Hop#227 waxaa ku fadhiyey Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (QAMBI).
8- Hop#190 waxaa ku fadhiyey Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdinaasir Saciid Muuse.
9- Hop#228 waxaa ku fadhiyey Maxamuud Axmed Ciise Maas.
10- Hop#234 waxaa ku fadhisay Deeqo Saciid Xasan.
11- Hop#273 waxaa ku fadhiyey Cabdi Maxamed Maxmuud (Cabdiyare).
12- Hop#083 waxaa ku fadhiyey Cabdullaahi Bille Nuur.
13- Hop#222 waxaa ku fadhiyey Cumar Ismaaciil Waaberi.
14- Hop#036 waxaa ku fadhiyey Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.
15- Hop#027 waxaa ku fadhiyey  Wasiirka Beeraha & Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid.
16-Hop#158 waxaa ku fadhiyey Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Cumar Cilmi Cumar (Ceysane).

Boosaaso ayaa ka mid ah magaalooyinka sida weyn isha loogu hayo, isla-markaana ay caqabadda ka jirtay, waana deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Puntland.

 

Doorashada kursigii uu ku fadhiyey Cabdiweli Muudey iyo kuraas kale oo laqabtay

0

Baraawe (Caasimada Online) – Magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah:-Hop-045, Hop-145, Hop-162 iyo Hop-148, Hop-256, Hop-143 iyo Hop-163 waxaana ku jira kursigii uu horey ugu fadhiyey Cabdiweli Sh. Ibraahim Muudey oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiga Hop-145 ee uu ku fadhiyey guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Cabdalla Axmed oo helay codad gaaraya 76-cod, halka musharaxii la tartamayey C/llaahi Ahmed Cabdi uu  =heley 12-cod, waxaa hallaabay 2 cod.

Guusha Cabdalla ayaa aheyd mid la filayey, wuxuuna si dhow ugu xiran yahay Villa Soomaaliya oo iyadu dadaal xoogan gelisay, sidii meesha looga saari lahaa Muudey.

Sidoo kale waxaa kursiga Hop-045 ku guuleystay Maxamuud Axmed Maxamed oo helay codad gaaraya 90 cod, halka musharaxii la tartamayey uu heley illaa 8 cod.

Kursiga hop-62 waxaa sidoo kale kusoo baxay Maxamed Cismaan Cumar, isaga oo helay codad gaaraya 74 cod, halka musharaxii la tartamayey uu heley 17 cod.

Waxaa sidoo kale kursiga Hop-148 wku guuleysatay Calwiya Siid Cabdullahi oo heshay 88 cod, halka musharixii la tartamaysay Sacdiyo Maxamed Cabduqaadir ay heshay 10 cod.

Suhuur Xaaji Culusow ayaa sidoo kale ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-256  iyadoo heshay 87 cod, halka musharaxii la tartamaysay Jiijo Axmed Iikow ay heshay 12 cod.

Cali Shekh Maxamed Nuur ayaa isna ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-143 ee xubinnimada Golaha Shacabka isagoo heley codad gaaraya 90 cod, halka musharaxii la tartamayey Cabduqaadir Maxamed Cabdulaahi uu heley 11 cod.

Kursiga todobaad Hop-163 ee ugu dambeeya waxa kusoo baxay Isaaq Maxamed Maxamuud oo helay 86 cod halka musharaxii la tartamayey uu heley 10 cod.

 

CC SHAKUUR oo shaaciyey sababtuu ula kulmay Saadaq Joon iyo Cabdullaahi Kulane

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa faah-faahin ka bixiyey kulankii muranka badan dhaliyey ee uu habeen hore Dhuusomareeb kula yeeshay Saadaq Joon iyo Cabdullaahi Aadan Kulane.

Labadaas sarkaal ee uu la kulmay Cabdiraxmaan ayaa ahaa kuwii uu horey ugu eedeeyey inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday xaruntiisa bishii December 2018, oo lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Kulanka ayaa waxaa aad uga niyad-jabay qaar ka mid ah taageerayaasha Cabdiraxmaan iyo shacab kale, oo uu ku eedeeyey inuu kursi xildhibaan dhaafsaday qadiyaddiisa. Haddaba Cabdiraxmaan Cabdishakauur ayaa qoraal uu xalay soo saaray ku faah-faahin kulanka. Hoos ka aqriso.  

Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa xalay xilli danbe iskugu kaaya keenay Saadaq Cumar (John) iyo C/llaahi Aadan Kulane oo labadu xildhibaanno uga soo baxay Galmudug. Kulanka oo aan la sii qorshaynin ayuu madaxweyne QoorQoor codsaday in aan ka wada hadalno dhib guud iyo mid gaar ah oo horay innoo dhexyaallay. Is fahan iyo heshiis billow ah ayaan gaarnay. 

Horay ayaan dad dhib noo gaystay u cafinay, sababtoo ah siyaaddeena ka aargudasho iyo kala adkaansho ka mid maaha, laakiin marna caddaalada ka tegi mayno.

Qofka wixii dhib loo gaysto waa cafin karaa, goorta uu doono, gaar ahaan marka loogu soo geed fariisto. Tani maaha mid ka hor joogsanaysa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qofkii dhibane kale ah inuu cadaalad helo ama raadsado. 

Siyaasi walba waxaa maxkamad dadwayne u ah sooyaalkiisa dadku wada hayaan, isagayna dan u tahay inuu ka garaabo, gafkiisana cafis uga raadsado qof kasta oo wax ka tabanaysa. Haddii dalku yeesho maxkamado macno leh waxay innoo xallin doonaan waxyaalo badan mustaqbalka waana mid eey tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa.

Guul-wadeyntii oo kusoo dhamaatay kama dhoofi kartid garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin kamid ah kuwa sida weyn ugu dagaal galay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo damaciisa shaqsiyeed ayaa maalmihii u dambeeyay wajahayay bahdil xoogan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka iyo Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga ee gobolka Banaadir oo 13 iyo 14 bishaan doonayay inay ka duulaan garoonka Muqdisho, si ay u doontaan kuraas ay hunguriyeynayeen ayaa laga hor istaagay.

Bahdilka iyo is-hortaaga lagu sameeyay Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa waxaa ka dambeeyay sida ay sheegen madaxda Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Lafta-gareen iyo Qoor Qoor ayaa waxay xulafo siyaasadeed la yihiin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, hase yeeshe midaasi waxba uma tarin raga sanadaha badan u sacabo tumayay Farmaajo.

Dadka falanqeeya siyaasada ayaa arrintan ku macneeyay mid laga baran karo cashir, una noqoneyso duruus ay tahay inay si fiican u dhugtaan raga uu waqtiga kaga dhamaaday difaaca iyo guul-wadeynta madaxda xilka haysa.

Labada Nin ayaa sida muuqata hadda ku baxay in danihii Farmaajo-Fahad iyo damacooda siyaasadeed isku meel-mari waayay, waxaana Farmaajo-Fahad ka go’an inay ka cag wareejiso cidkasta, xataa haddii uu yahay guul-wadaha xulafada.

Kuraasta ay rabeen Cabdiweli Muudey iyo Cali Yare Cali ayaa waxaa lasoo warinaya in si gaar ah loogu xiray Maxamed-weli Cabdullaahi Sheekh oo reer Australia iyo Mahad Salaad.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xili laga deyrinayo doorashada Golaha Shacabka, oo noqotay mid magac u yaal ah, maadama inta badan xildhibaanada kusoo baxay kuraasta la doortay ay yihiin kuwo markii horeba loo xiray oo lasii ogaa.

Guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab oo is casilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cabdiqai Saciid Carab oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu hayey.

Cabdiqani oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sababta is casilaadiisa ku sheegay isagoo u naxayo Kubadda Cagta Soomaaliya.

Wuxuu xusay inaysan jirin cadaadis saaran iyo cid ku qasabtay inuu is casilo, wuxuuna ku baaqay in doorashada xiriirka la qabto taasoo lagu ballansan yahay dhammaadka sanadkaan.

Is casilaada Cabdiqani ayaa kusoo aadeyso xilli uu xiriirka Kubadda Cagta Soomaliya u kala jabay Laba qeyb oo ay kala hoggaaminayeen Cali Shiino iyo Cabdiqani oo kala ahaa guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Sida uu qabo Sharciga xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya waxaa xilka guddoomiyaha sii heyn doono Cali Shiino oo ah ku xigeenka inta laga gaarayo doorashada xiriirka oo dhaceyso dhammaadka Sanadkaan.

Daawo: DF oo soo xirtay mashruuc sanado badan ka socday badda Soomaaliya

New York (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u xirtay mashruucii burcad badeedda ee Badweynta Hindiya, kaasi oo socda in ka badan 10 sano. 

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay QM ka codsatay in la joojiyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee la-dagaalanka Burcad-badeedda ee tirsigiisu yahay 2608(2021), laga billaabo 3-da bisha March 2022.

Go’aankan ayaa yimid ayada xeebaha Soomaaliya ay hadda noqdeen nabad, islamarkaana aysan jiran warbixin sax ah oo cadeynaysa in ay xalis dhanka nabad-galyada ah ay ka jirto isu socodka gaadiidka badda ee mara badda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. 

Arrintan ayaa aheyd mashruuc la buun buuniyay oo dowlado shisheeye ay shaqo ka dhigteen, hase yeeshee shalay oo taariikhdu aheyd 15-ka February 2022 ayay Dowladda Soomaaliya u suura-gashay in gebi ahaan la xiro mushruucan sumcad xumadda xambaarsanaa muddada dheer.

Danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan “Baale” ayaa shalay Golaha Ammaanka ee QM ka sheegay in guud ahaan la joojiyay mashruuc La-dagaalanka Burcad-badeedda, maadaama aysan xeebaha Soomaaliya ka jirin wax Burcad-badeedda ah.

Danjire Abuukar Baale ayaa yiri “Shantii sano ee lasoo dhaafay wax weerar Burcad-badeedda ah kama dhicin xeebaha dalkeena, sidaas darteed shaqada howlgalka caalamiga ee loogu magac daray la-dagaalanka Burcad-badeedda waxaa looga faa’iideysan karaa arrimo lagu xoojin karo Dowladnimada Soomaaliya ee taageeradda beesha caalamka.”

Danjiraha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay dadaalka ay bixinayaan Saaxiibadda Soomaaliya si loo gaaro hiigsiga fog. 

Hoos ka daawo khudbadda danjire Abuukar Baalle

Wararkii ugu dambeeyey qaraxyadii iyo dagaaladii xalay ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo qaraxyo iyo dagaallo toos ah oo xalay saq-dhexe ka dhacay qaybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Weerarka koowaad oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigga degmada Kaxda, waxaana gudaha u galay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerarka ku qaaday halkaasi.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale dab qabad-siisay qaybo ka mid ah saldhigga, kadibna waxaa la sheegay in dagaalyahanadu ay horey usii qaateen laba gaari oo nooca dagaalka ah.

Sidoo kale weerarka labaad oo isna ku bilowday qarax oo uu xigay dagaal toos ah ayaa lagu qaaday xaafadda Daarusalaam, waxaana la sheegay in qaraxa lagu weeraray guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmada Heliwaa oo ku sugnaa halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dhanka kale xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraray saldhigyo ku yaal Calamada ilaa Ceelasha Biyaha, halkaasi oo rasaas xoogan laga maqlay, kadib markii ay difaac adag kala hortageen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wasiirka amniga oo ka hadlay weeraradan ayaa shaaciyey inay billowdeen abaare kowdii habeenimo, wuxuuna tilmaamay in Al-Shabaab ay soo weerareen Muqdisho iyo duleedka.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanka ay sameeyeen iska caabin xoogan, isla-markaana dowladda Soomaaliya ay saacadaha soo socda shacabkeeda la wadaagi doonto khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaasi.

Si kastaba, weeraradan ayaa si xoogan looga dareemay caasimada oo dhan, iyada oo sidoo kale cabsi xoogan ay soo wajahday dadka deegaanka.

Baarlamaanka Itoobiya oo buriyey go’aankii Abiy ee ka dhashay dagaalka TPLF

Addis Ababa (Caasimada Online) – Baarlamanka dalka Ethiopia ayaa maanta oo Talaada ah u codeeyay in la qaado xaaladdii deg degga aheyd ee Ethiopia la geliyay bishii November ee sanadkii tagay, xilligaas oo dagaalyahanada Jabahadda Tigray ay ku soo siqayeen magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Markii hore, xaladdan deg degga ah ayaa Ethiopia looga dhawaaqay inay dalkaasi saarnaado muddo lix bilood ah oo ka soo billaabmeysay bishii November ee sanadkii tagay, laakiin haatan baarlamanka ayaa goostay inuu goor hore sii qaado.

Mudanayaasha baarlamanka Ethiopia ayaa ku doodaya in xaaladda ammaanka ee dalkaasi ay soo hagaagtay, isla markaana xaaladda deg degga ah ee la soo rogay ay waxyeeleysay muuqaalkii caalamiga ahaa ee dalkaasi laga heystay.

Qaar ka mid ah mudanayaasha ayaa ka soo horjeestay go’aanka, iyago ku dooday in Jabahadda Tigrayan People’s Liberation Front, TPLF ay weli dagaal kula jiraan ciidamada dowladda ee gobolka Cafarta, sida la tuhunsanyahayna ay qorsheynayaan inay weeraro cusub ku soo qaadaan Gobolka Amxaarada.

Laakiin mudanayaasha xisbiga dowladda ugu jira baarlamanka ayaa sheegay in hadda ay suurtagal tahay in la xakameeyo halis kasta oo dowladda ka soo wajaheysa mucaaradka, iyadoo loo marayo hanaanka hirgelinta sharciga ee caadiga ah.

Dowladda Ethiopia ayaa lixda bilood ee xaaladda deg degga ah ku dhawaaqday bishii November, markii laga yaabay xowligii ay ku socdeen jabhadda TPLF oo 200km oo kaliya u jirsaday caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

TPLF waxay sheegtay in ciidamadeeda ay markii dambe si iskood ah dib ugu gurteen si ey ugu gogol xaaraan wadahadallo nabadeed, laakiin dowladda Ethiopia ayaa hadalkaas naqdisay oo sheegay in awood ay dib ugu riixeen.

Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ayaa ku eedeeyay dowladda inay xaaladda deg degga ah ee ay dalkaasi ku soo rogtay ay u isticmaashay inay ku soo qabqabato dad shacabka ah oo ku nool Addis Ababab, kuwaa oo badankood ka soo jeeda qowmiyadda Tigray.

Bishii November, Guddiga Xuquuqul Insaanka Ethiopia ayaa sheegay inay ka argagaxeen sida booliska Ethiopia ay u beegsanayeen, wuxuuna guddiga abuuray koox soo baarta arrintaas.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, baarayaasha ayaa lagu armay inay howshooda ku soo dhameeyaan muddo bil ah oo wixii ay baaritaankooda ku soo ogaadeenna ay la wadaagaan guddigan.

Wasaaradda cadaaladda ee Ethiopia ayaa loo sheegay inay wax ka qabato kiisaska kale ee la xiriira gabood fallada lagu geeysanayo iyadoo loo cuskanayo xaaladda deg deg ah.

VOA

Xog ku ku saabsan qaraxyo iyo weeraro lagu qaaday qeybo ka mid ah Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay qaraxyo xooggan oo dhowr ah iyo weeraro la socday ku qaaday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasiamdda Soomaaliya. 

Qaraxyada iyo weerarada ayaa ka dhacay dhanka degmada Kaxda iyo kale xaafadda Daaru-Salaam ee degmada Yaaqshiid, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goobjoogeyaal iyo booliska Soomaaliya.

Waxaa markii hore dhacay qaraxa Kaxda, oo lala beegsaday saldhigga booliska degmada, kadibna waxaa xigay rasaas iyo weerar culus, oo lagu qaaday isla saldhigga, taasi oo socotay ku dhowaad saacad.

Ku dhowaad nus saac kadib ayaa waxaa dhacay qarax labaad oo culus oo ka dhacay xaafadda Daaru-Salaam, kaasi oo uu la socday weerar la sheegay in lagu qaaday guddoomiye ku-xigeenka degmada Heliwaa oo ku sugnaa xaafaddaas.

Qaraxyada iyo weerarada ayaa aad u cuslaa, waxaana laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada.

Booliska Soomaaliya ayaa goor dambe sheegay in la iska baaciyey weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhigga booliska degmada Kaxda iyo xaafadda Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaan dhankooda weli wax war ah kasoo saarin weerarka. 

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa weeraray saldhigyo ku yaal Calamada ilaa Ceelasha Biyaha, halkaasi oo rasaas xoogan laga maqlayo. Madaafiic ayaa sidoo kale ku dhacay xaafado ka tirsan inta u dhaxeysa degmooyinka Shibis iyo Shangaani.

Iska hor-imaadyada ayaa hadda joogsaday, mana jiraan wax dhawaq rasaas ah ama qaraxyo ah oo la maqlayo.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay weeraradan, oo yimid xilli amniga caasimada Soomaaliya uu faraha kasii baxay bilooyinkii ugu dambeeyey.

Muqdisho ayaa shan sano oo uu xukumayey Farmaajo ka dhaxashay Al-Shabaab sidii hore ka xoog badan, oo saacaddii ay doonta soo weerarta magaalada, sidoo kalena canshuurta ganacsi kasta oo ku yaalla magaalada 

Xog: Maxay ku heshiiyeen Cabdiraxman Cabdishakuur, Kulane iyo Saadaq Joon?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hadal heynta ugu weyn ee maanta waxay aheyd kulan xalay magaalada Dhuusamareeb ku dhex-maray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdullaahi Aadan Kulane iyo Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Seddexda Nin hadda waxay ka wada tirsan yihiin Golaha Shacabka ee Baarlamaanka soo socda, laakiin waxaa u dhaxeysay tabasho weyn oo la xiriirtay dhacdooyinkii dhacay shantii sano ee lasoo dhaafay.

Xalay hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor wuxuu dalbaday inuu arko Xildhibaanada iyo Senatarada laga soo doortay Galmudug, intooda hadda ku sugan Dhuusamareeb, markii uu xoogaa socday kulankii caadiga ahaa Qoor Qoor ayaa la sheegay inuu codsaday inuu gooni u arko Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana la sheegay inay markaas xafiiskiisa gaarka ah horay usii fadhiyeen Saadaq Joon iyo Kulane Jiis.

Kulanka dhinaca Qoor Qoor, Kulane iyo Joon wuxuu ka ahaa mid qorsheysan, balse Cabdiraxmaan waxaa looga dhigay kedis, haddaba markaas kadib maxaa dhacay?

Xogta aan kula wadaageyno waxaan ka qaadnay mid kamid ah Afarta siyaasi ee kulmay xalay. Qoor Qoor ayaa hadalka qaatay wuxuuna ku dheeraaday ahmiyadda cafiska, inay muhiim tahay in loo midoobo danaha Galmudug, inuu seddexdoodaba isagu madax u yahay iyo inuu rabo inuu Cabdiraxmaan cafiyo labada Nin ee kale.

Labada Nin ee Kulane iyo Saadaq Joon isku kiis maaheyn. Cabdiraxmaan iyo Kulane waxay isku hayeen siyaasad, balse markii ay Nabad sugiddu weerartay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Kulane kama tirsaneyn hey’adda Nabadsugidda, kumana jiro dadka ku eedeysan weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxamaan Cabdishakuur ee lagu laayey ilaaladiisii.

Kala aragti duwanaanta u dhaxeysa kooxda Farmaajo iyo Cabdiraxmaan, ayaana sal u ah khilaafka Cabdiraxmaan iyo Kulane, labadaas Nin kiiskooda waa fududaa, wuxuuna Qoor Qoor ka codsaday inay madmadowga meesha ka saaraan oo ay si calool fiyowbi leh u macaamilaan.

Kiiska Saadaq Joon isagu wuxuu la xiriiray weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur bartamihii bishii December 2017-kii.

Saadaq Joon wuxuu ku jiraa Lix qof oo uu dacwad ka gudbiyey xisbiga Wadajir. Xalay ma aheyn markii koowaad oo ay is arkeen Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Saadaq Joon oo marar badan ayey is arkeen oo ay wada shaqeeyeen, intii lagu jiray dagaalkii loo bixiyey (Badbaado Qaran), balse xalay toos ayaa loo dul istaagay kiiskaan.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ay xigto hoose yihiin Saadaq Joon ayaa cudurdaar beeleed iyo mid hogaamineedba ka bixiyey eedda uu CC Shakuur Warsame u heysto Saadaq Joon, wuxuuna codsaday inuu Cabdiraxmaan cafiyo oo hadda kadib la wada shaqeeyo.

Saadaq Joon wuxuu goobta raali gelin ku siiyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Kulane isna wuxuu ka cudur daartay haddii ay jiraan wax tabasho ah oo dhankiisa kasoo gaaray.

Kadiba waxaa hadalka qaatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay inuu aqbalay cafiska iyo garowshiyaha ay labadaasi Nin ka bixiyeen dhacdooyinkii lasoo dhaafay, waxaana la isla qaatay inay si dhow u wada shaqeeyaan dhammaan xubnaha laga soo doortay Galmudug.

ROOBLE oo magacaabay guddi cusub oo ka kooban 34 xubnood ah + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa caawa magacaabay guddi ka kooban 34-qof oo isugu jira wasiirro, qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiskiisa iyo xubno ka socda bulshada rayidka, waxaana guddigaan hoggaami doona ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Guuleed.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu shaaciyey in guddigaan uu ka shaqeyn doono dardar galinta howlaha gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee saameynta ba’an ay ku yeelatay abaarta ka jirta gobollada dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka duulaya baahida loo qabo dardar galinta howlaha gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ba’an ku yeelatay abaarta dalka ka jirta, ayaa magacaabay guddi isku dhaf ah oo ka looban Golaha Xukuumadda iyo qeybaha Bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Rooble.

Guddigan uu hormuudka u yahay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa kala ah:

1 – Mudane Mahdi Maxamed Guuleed: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS
2 – Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye : Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
3 – Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
4 – Mudane Jamaal Maxamed Xasan:Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta
5 – Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha
6 – Cismaan Abokor Dubbe: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
7 – Mudane Cumar Cali Rooble: Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
8 – Mudane Cabdicasiis Xasan Ashkir: Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
9 – Marwo Shukri Maxamuud Afrax: Wasiiru-dowlaha Tamarta iyo Biyaha
10 – Mudane Xaamud Cali Xasan: Wasiir Ku-xigeenka Beeraha iyo Waraabka
11 – Mudane Cabdirisaaq Daahir Maxamuud: Wasiir Ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha
12 – Mudane Cabdullaahi Maxamed Shirwac
13 – Sheekh Bashiir Axmed Salaad
14 – Mudane Sheekh Cabdulqaadir Soomow
15 – Mudane Sheekh Yuusuf Cali Ceynte
16 – Marwo Caasho Geelle Diiriye
17 – Marwo Aamino Xaaji Cilmi
18 – Marwo Caasho Shaacuur Ugaas
19 – Marwo Batuulo Axmed Gaballe
20 – Mudane Cabdi Axmed Baafo
21 – Mudane Cabdi Aadan Hoosow
22 – Mudane Dr.Maxamed Xaaji
23 – Mudane Aadan Ibraahim Aw Xirsi
24 – Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan
25 – Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
26 – Mudane Khadar Ismaaciil Jimcaale
27 – Mudane Cabdulfataax Maxamed Cabdinuur.
28 – Liibaan Cabdi Cali
29 – Aamina Axmed Samatar
30 – Cali Maxamed Maxamuud
31 – Yaasmiin Cabdi Maxame
32 – Cabdi Ciise Diirshe
33 – Kamaal Daahir Guutaale
34- Shucayb Cabdullaahi Xasan

Goorta ay dhaceyso doorashada kursiga uu rabo Fahad oo la shaaciyey

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa goordhaw shaaciyey jadwalka doorashada lix kursi, kuwaas oo kursiga HOP#86 uu ku jiro.

Kursigaas waxaa la sheegay in taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin uu doonayo inuu soo qaato, sidoo kale Fahad ayaa damacsan inuu noqdo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Maalinta Axadda ah ee soo socota ee 20-ka bishaan ayaa la shaaciyey in doorashada kuraasta uu ku jiro kan Fahad Yaasiin uu damaacinayo lagu doora doono magaalada Beledweyne.

Maalin ka hor ayaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha shacabka Cabdiweli Muudey loo diiday inuu aado magaalada Baraawe, isagoo doonaya inuu u tartamo kursigii uu ku fadhiyey sanadihii lasoo dhaafay.

Si Cabdiweli Muudey uusan Fahad Yaasiin ugu cariirin tartanka guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka ayaa la sheegay in loo dhafiyey kursigiisa, in kastoo aan weli la dooran, hadana Muqdisho ayaa lagu xayiray.

Labada kursi waa kala duwan yihiin, hase yeeshee Fahad iyo Muudey ayaa isku beel ah, taasi waxay Villa Somalia ku abuurtay cabsi ah in Muudey uu sii difaaca karo booskiisii hore, hadii lasoo siiyo kursigiisa.

Shanta kursi ee kala ee HirShabeelle ay ku soo saartay Jadwalkaan ayaa kala ah:

1 – Hop#274

2 – Hop#109

3 – Hop#15

4 – Hop#74

5 – Hop008

Saacadihii u dambeeyey waxaa jiray xogo tilmaamaya in Ra’iisul Wasaare Rooble uu qorsheynayo in doorashada kursigaas dib loo dhigo, hase yeeshee lama oga sida uu ugu suurta geli waayey damacaas.

6-aad kursi ayaa bilow u ah doorashada 25-ka kursi ee taalla magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kooxda Madaxweyne Farmaajo ayaa magaaladaas geysatay ciidan la aaminsan yahay in lagu maamuli doono doorashada Beledweyne, sidoo kale waxaa magaaladaas ku sugan dhamaan madaxda ugu sareysa maamulka HirShabeelle.