39 waxyaabood oo shacabka Somalia ay ku qeexaan Dowladda Xasan Sh!!

Iyadoo 10-ka Bishaan ee September ay ku Beegneyd Sannad Guuradii 1aad ee ka soo Wareegtey Markii Hogaanka Dalka loo Doortey Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud hadaba nala Akhriya Guuxa Dadweynaha

1-Waa Dowlad aan Wasiiradeeda aan la arkin oo aan Xafiis Fariisan.

2- Waa Dowlad ku fiican sida wax loo Camabaareeyo marka ay ay Dhacaan Qarax iyo Dilalal

3- Madaxweyne Xasan Shiikh waa Madaxweynihii ugu fiicnaa ee na soo mara marka waxaan leeyahay Dadka Mucaaradsan Waa Doogiye yaan la Dacaroon

4-Waa Dowlada Difaac ku Ururtey waayo waxay Xirtey Wadooyin ku yaal Muqdisho oo Shacabka mari jireen, marka maxay Dhaantaa Dowladii Shiikh Shariif ee Dhufeysyada Badneyd

5- Waxaan isla haa Dowladaan Cabsidii Bulshadda bay Dhameyn Doontaa balse waa nagu Siyaadisey

6- Waa Dowlada aan Maalmihii hore Mucaarad lahayn hadde waxaa ku Kordhey Mucaaradkii

7-Tan anigu Dowlad ma dhihi karo waayo wixii ka dhacay Kismaayo ee Xasuuq ahaa kama hadlin Xitaa laguma soo qaadin Shirkii Adis Ababa.

8- Waxay ka bixi la’ dahay Shirar aan wax Natiijo ah lahayn oo Kharash lagu Cuno Fiiri kii Hotel Jasiira ee hada Dhamaadey maxaa ka soo baxay

9- Waa Dowlad Dadkeed Jecel waayo Madaxda Dowladda waxay Kormeero ku tagaan Goboladda Dalka.

10- Ar yaa maxaa loo yIri Shabaab Magaalada Muqdisho laga saarey waa kuwaa meel waliba ka Howlgalayo oo Dowladii ku J ahwareertey .

11- War Tan iga dhaaf hadiiba ay sugu la’dahay Amaankii Shacabka, Waliba waxaa sii Caroodaa markaana Wasiiradeeda ka Maqlo Xalaada amaan ee Dalka aad bay u Wanaagsan tahay.war hadii aad wax qaban weyseen Dadka ha ku jees Jeesina

12-Ilaah ha na Dhaafiyo Midaan

13-War ha loo sugu Sannad kale

14- War tan Dowlad ma aha Sannad keliya ayaa la Diley 1 4 Wariye

15- Waa Dowlad Jabisey Gidaarkii 4.5-ka

16- Tii Shiikh Shariif baa Dhaantey

17- Waa Dowlada lacag yari nagu Ridey oo aan Shaxaad lahayn

18-Waa Dowlad fiican oo Xirtey Ilihi Dhaqaalaha ee la iska Guran jirey

19- Waxay nagu Ridey Sicir Barar

20- Waa Dowlad ay Wareegtadeeda Shaqeyneysa waayo waxay qaadey Isbaarooyinkii

21-Waa Dowlad aan markii Hore soo dhaweeyey markii ay 10 Wasiir Magacawdey balse Gadaal bay ka Dhiiqatey waxay Xukuumadii Noqtey 35 Wasiir maxay Dhaantaa kuwii ka Horeyeey

22-Waxaa Sannadkaas ay jirtey la Diley Dad fara badan oo isugu jirey Odey Dhaqameed,Xildhibaano, Taliyayaal Ciidan,Wariyayaal iska dhaaf qaybaha kala ee Ciidamada iyo Dadka kale ee rayidka ah

23- Waxaa Dhacay Qaraxyo dad badan ku dhinteen, oo ay ugu waawenaayeen Qaraxyadii iyo Weerarkii Maxkamadda Gobolka Banaadir, Weerarii iyo Isqarxintii Xarunta UNDP, Weerarkii Ismiidaaminta ee Xaruntii Turkiga, Soomaalida waxay Tiraahdaa Mayd maxa u Dambeeyey Kaa la sii Sido 7-Bisha oo Sadax Maalmood ka harsan tahay Sannad Guurada 1 aad ee Doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh ,waxaa uu Qarax ka dhacay Maqaayada The Village oo ay dad badan ku Dhinteen waana Qaraxii labaad ee lala beegsado Maqaayadas kii ka Horeeyey waxaa uu dhacay 20 kii September 2012,Hadaba wax iskama Bedelin Qaraxyadii Muqdisho

24- Waa Dowlada Kalsoonidii ku weysey Arrinta Kisimaayo

25- Aad baa u soo Dhaweynayaa Dowladda waayo waxay Xal ka gaartey Arrinta Kismaayo

26- Waa Dowlad oo wax ka qaban weysey Dhul Boobka ka jira Muqdisho oo weliba lagu hayo Dhulkii Danta Guud

27- Waa Dowlad wax ka qabtey Waxbarasha la’aantii haystey Caruurta Soomaaliyeed waayo waxay Dugsiyo u Direysaa Hal Mlyan oo Caruur ah

28- Maya taasi iga jooji ,Caruurta Dugsiyada loo Dirayo ma Geedaha Hoostooda wax lagu baryaa waayo Dugsiyadii Dowladu lahayd waxaa la siiyey Hayado iyo Shaqsiyaad waa yaabee yaan Ummada Been loo sheegin

29-Waxaa Xabsi ku jira Shiikh Xasan Daahir Aweys oo Dadkii u soo Magangeliyey Dowladda si Xun ula Dhaqantey Halka Muqdisho lagu soo dhaweeyey Axmed Madoobe,ooh ore uga wada tirsanaayeen Xisbul Islaam.

30- War Dowladaan waxay nagu soo Nooleysey Dagaal Beeleedyadii waxaa Dagaalo ka soo Cusboonaadeen Gobolada Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose 299 – Intii ay jirtey Dowlada Waxaa Gacanteeda ka Baxay Magaalo Madaxdii Gobolka Bakool ee Xudur oo ay la wareegeen Xarakada Al-Shabaab Mudadaas Dowladda Jirtey Ciidmada Amisom iyo kuwa Dowlada horey uma dhaqaaqin oo meeshii Shiikh Shariif uga tagey bay joogtaa

31- Heshiiskii Adis –Ababa waxaa uu ka careysiiyey Beelaha Raxan weyn oo Odayaashoodu Sheegeen in ay ka baxeen Dowladda Federaalka waxayna arrintu noqotey Tan Qabo tan sii Daa

32- Maamulka Pundland oo Tiir u ahaa Dhismihii Dowladaan ayaa iyana ku dhawaaqdey in ay Gabi ahaan Xiriirkii u jireen Dowladda Federaalka ka dib markii uu Maamulku uu sheegey in wax badan laga badeley Dastuurkii Dalka

33- Dowladu waxa badan bay qabatey waxay Wada hadal la Furtey Maamulka Soomaaliland taasoo la dhihi karo waa Talaabo ay horey Dowladu u qaadey oo ku Aadan Dhinaca Dib u Heshiisiinta

34- Waa Dowlad aan wax Naxariis ah u gelin dadkii ku jirey Guryaha Dowladda kuwaa oo qaarkood maanta ku Dandareysan Duleedka Magaalada Muqdisho iyadoo Guryihii laga saarey ay yihiin kuwa aan Dowladu ku shaqeyn Dowladda Federaalka sida u qirey Madaxweynaha Dowladda Federaalka

35- Waa Dowlad aan Dhihi karo waxay Dhiiragelineysaa in Dadka u kala baxaan Dabaqad Sare iyo Mid Hoose waayo Dabaqdii Dhexe ayaa u Muuqata in ay meesha ka baxayso , waxaa lagu Khaaliyeeyey Guryahii , waxaa ku Siyaadey Sicirkii Raashinka,

36- Waa Dowladda dib u soo Celisey Xiriirkii Caalamiga iyo Ururada caalamiga ah , waxaana uu Madaxweyne Xasan Shiikh uu Magaaladda Washington kula Kulmay Madaxweynaha Mareykanka Obama

37-Waa Dowlada intii ay jirtey Heshiisyo la gashey Shirkado Badan kuwaa oo qaarkood aan la Garaneyn halka ay ka soo jeedaan,marka waxaan leeyahay waa Heshiisyo lagu Degdegey..

38- Waa Dowladii ugu Qabqabashada badneyd Dhinaca Dhaliyarada waxaan Dhihi karaa waa Dowlada Dhalinyarada Dagaal kula jirta

39- Aniga Madaxweynaha waan Jecelahay waayo waxaa uu Beerey Geed

Isku soo wada duuboo mudadaas Sannadka ee ay jirtay Dowlada Xasan Sheikh waxaa Dhihii karaa waa Sannad oo wax badan la qaban karay gaar ahaan Dhinaca Amaanka oo ah kan ugu Muhiimsan oo ay Bulshada lagu Kasban karo , hase yeeshee hadaba waxaa Sugnaa waxay tahay Sannad ka dib maxay la imaan doontaa ma sida hadda ay tahay bay Sare uga kici doontaa oo ay ku soo afjari doontaa Dhaliilaha fara badan ee Guuxa Dadweynaha.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online