Warbixin shaacisay beesha ay ku tiirsan tahay Daacish-ta Koonfurta Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu daabacay machadka darasaadka amniga ee Hiraal Institute, ayaa lagu sheegay in qabaa’ilka ay kaalin weyn ka cayaaraan in kooxda Daacish ayu ku badbaado kana howl-gasho Koonfurta Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in beesha Ogaadeen ee deegaannada Jubbaland ay tahay midda Daacish ay aadka isugu haleyso, sababtuna ay tahay in beesha ay dhibaatooyin badan ka tirsaneyso kooxda Al-Shabaab.

Ogaadeenka waxa ay Al-Shabaab u arkaan urur Hawiye, oo aan dantooda matalin, waxaana ay ka tirsanayaan dhibaatooyin, xarigyo been abuur ah, iyo xitaa dilal ay si joogta ah ugala kulmaan Amniyaat-ka, ayay tiri warbixinta.

Deegaanada Jubbooyinka, cidna su’aal kama keeni karto xukunada Al-Shabaab, islamarkaana Amniyaatka ayaa u shaqeeya si madaxbanaan.

Nin soo goostay oo ku jiri jiray xabsiga Al-Shabaab ee Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in 20 maxbuus oo lagu hayey xabsigaas ay 15 ka mid ah ahaayeen Ogaadeen, mid Hawiye, Laba Raxanweyn, midna Daarood.

Maxbuuska Hawiye ah ayaa la siin jiray cunto ka wanaagsan maxaabiista kale, waxaana loola dhaqmi jiray si wanaagsan, markii la sii daayeyna wxaa la siiyey 1,000 dollar, halka maxaabiistii kale ay ka heleen kaliya 300, sida warbixinta machadka ay tiri.

Dhinaca kal, Cali Diyaar oo ah sarkaalka ugu sarreeya Ogaadeen ee ku jira Al-Shabaab, ayaa waxaa laga kala diray oo unugyo kale loo qeybiyey ciidankiisa oo gaarayey 500 oo dagalayahan, kadib markii lagu tuhmay inuu u janjeero dhanka Daacish.

Ciidankiisa oo badankood kasoo kala jeeday Ogaadeenka iyo Shiikhaasha Ethiopia ayaa isaga daacad u ahaa in ka badan inta ay daacadda u yihiin kooxda Al-Shabaab, sidaas darteed ayey Al-Shabaab ugu kala qeybisay horjoogeyaal kale, taasi oo adkeyn karta inay goostaan ama ay maleegaan shirqool halis ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com