Xog cusub: Yaa ka danbeeya dilalka Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa inta badan magaalada Muqdisho ka dhaca dilal kala duwan oo lala beegsado Mas’uuliyiin ka tirsan DFS, Ganacsato iyo Aqoonyahano laf-dhabar u ah dalka.

Dilalka ayaa inta badan ka dhaca Degmooyin farakutiris ah oo la orankaro inay yihiin kuwo ay ku dhuumaaleystaan Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dadka qaar ayaa aaminsan in dilalka ka dhaca muqdisho ay geystaan Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana jiro xogo muujinaaya in dilalkaasi intooda badan aysan ku lug laheyn Al-shabaab.

Dilalka ayaa waxaa badi fuliya Maleeshiyaad si qarsoodi ah ugu shaqeeya Ururo diimeed ka duwan Al-shabaab oo kasoo horjeeda Siyaasada DFS, kuwaasi oo bartilmaameedkoodu yahay in shacabka Muqdisho ay dareensiiyaan in amaanka dalka uu yahay mid aan sal dhigan.

Sidoo kale, baaritaano la sameeyay ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in dilalka ka dhaca Muqdisho ay ka qeybqaataan Ganacsato iyo Maamul Goboleedyo kasoo horjeeda in Somalia ay caga dhigato kuwaasi oo gacansaar la leh Dowladaha dariska la ah Somalia.

Al-shabaab ayaa saacado kadib un sheegta dilalka ka dhaca Muqdisho, iyaga oo ka faa’iideysanaaya sheegasho la’aanta weerarkaasi.

DFS ayaa dhowr jeer ku goodisay inay wax ka qaban doonto falalka gurcan ee lagu beegsanaayo shaqsiyaadka indhaha u ah dalka iyo dadka inkastoo ay iyaguba wali garan la’ yihiin halka ay mowjada ka xigto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com