Xog & Gorfeyn: Gefkii Uhuru u geystay Soomaalida kadib fashilka dalkiisa

Waa Gaf iyo Cay Eedeyntii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu u jeediyay Soomaalida, Waa Aflagaado in uu Afar Malyan oo Soomaalida ku soo Qaxay u la Xariirsho Argagixisada Shabaab-Qacida.

Xildhibaan Aweys C/llaahi ayaa ku timaamay Eedeynta Madaxweynaha Kenya mid Calwasaad Qaraw ah waana Cay in uu 4 Malyan oo Soomaalida ku soo Qaxay u la Xariirsho Argagixisada.

Dowladda Kenya waxay ku jirtaa Dowladaha Aduunka ugu Corruption badan, ugu Musuqmaasuq badan, ugu Laaluush qaadashada badan, mana ahan Wadan Xasiloon, Habeyn walba Sadex ama Afar Qof ayaa lagu dilaa lagamana hadlo waayo dadka la Dilo Cadaan, Ajnabi ma ahan sidaas daraadeed Jaraa’idku ma Qoraan TV iyo Radio nah warkooda da.

Lama Aamini karo Warbixinta Booliska iyo Sirdoonka Kenya ay soo gudbiyaan waayo waxaa ku filan wax yar oo Gacanta loo galiyo si ay u siidaayaan mid Shabaab-Qacida ah oo Bunboyin iyo badsukayaal ku hubeysan. Waa macaruuf in Madaxda Ciidamada Kenya ay Dhaqaale farabadan ka sameyeen Kontrabaanka iyo Laluushka oo Nidaam u ah Maamulka iyo Madaxda Dawlada Kenya.

Madaxweynaha Kenya laftiisa waxaa lagu Eedeeyaa in uu yahay Laaluuush Qaate Gogol fidsaday oo Lacagta loogu rido. Waxaa kaloo lagu eedeeyaa in uu ka dambeyey Xasuuqi Rift Valley Sanadkii 2007 ka bilowday ay kuna Geriyoodeen Dad kor u dhaafaya 8000 ee Kenyan ah, waxaa haatan ku socota Maxkamada Caalamigaa oo lo yaqaano ICC International Criminal Court.

Uhuru Labo Maalmood kahor waxuu Warbaahinta Kenya si dadban ka sheegay in Dadka Soomaaliyeed ee soo galay Wadanka Kenya ay Xiriir la leyahiin Ururka Argagixisada Shabaab- Qacida. Uhuru Hadalkaas kama fiirsan waayo Soomaalida ka soo Qaxday Argagixisada Shabaab-Qacida oo ay soo barakiciyeen waxaa lagu Khiyaasaa Labo Malyan.

Uhuru kuwii Argagixisadu ay soo Barakiciyeen ayuu Argagixiso ku tilmaamay!

“Aan Xusuusiyo in iyagu ay yihiin kuwii (Soomaali) sida aadka iskugu laayay Dalkooda, isla markaanah soo faragaliyay Arimaha Kenya, Dadka Kenya ka afduubanayay gudaha Kenya (….)Anaga uguma tagin Dalkooda ee iyaga ayaa noo yimid, waxaana laga yaabaa in ay is-yiraahdeen Maadaama Kenyaanku ay yihiin Bulsho ilbax ah, waa idin daawan doonaan”

Uhuru oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaan Soomaaliya u aadnay in aan iyaga ka Caawino in Dalkooda ay Kala-danbeyn kusoo dabaalaan, waxaana dooneynaa in aan Cadeyno in halkaasi aan sii joogi doono ilaa ay iska kala dambeyn lahaayeen

Soomaalida Dhaqaalaha, Hormarka Ganacsiga, iyo Bilicsamida Maantay Kenya ka muuqata galiyey ayuu ku tilmaamay in ay yahiin Argagixiso Kenya ku soo Duushay.

Dowladda Kenya oo dhan, Ciidamadeeda Sirdoonka oo dhan, Ciidamadeeda Booliska oo dhan, Ciidamadeeda Millitariga o dhan, Ciidamadeeda Nabad Sugida oo adeegsanaya Qalab Casri ah ayaa waxey 5 Maalmood u caal waayeen waxey mar ku sheegeen Todobo Argagixiso ah, marna ku sheegeen 12 oo ilaa iyo hada aan la garaneyn tiradooda rasmiga ah.

Diplomaasiyiinta reer Galbeedka iyo Jaraa’idka dibada iyo kuwa gudaha ayaa Ciidamada Dowladda Kenya ku eedeeyay in ay Hantidii Suuqa Westgate u geesteen Bililiqo baaxad weynmeshii laga sugayay in ay Cirib tiraan Kooxda Argagixisada, badbaadiyaanah Dadkii u qafaalnaa Argagixisada Caalamiga ah.

Warbaahinta reer Galbeedka ayaa shaaciyay in Nin Kenyaan ah oo kamid ahaan jiray Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya uu ka dambeeyay, Homaaninaayanah Weerarkii Sabtida lagu qaaday Suuqa Westgate.

Telefishinka Channel 4 ayaa Qoray in Ninkaan oo loo yaqaan Cumar ama Umayr uu ahaa Madaxa Weerarka Suuqa Caanka ah ee Westgate. Cumar ayaa Hogaaminayay Kooxda, wuxuuna ahaa Madaxa “Offical operation Westage”.

Sida lagu Qoray Xalay Bogga Channel 4 News, Cumar waa Kenyaan Kristaan ah, wuxuuna Argagixisada kusoo biiray Sanadkii 2005.

Sanadkii 2005 ayuu wuxuu kamid noqday Cumar Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni, kadinah Raaskambooni waxey ku biirtay, kana mid noqotay Kooxda Argagixisada ee Al-Shabaab.

Aflagaada Kenyatta ayaa waxaa ka carooday Dad badan oo Kenyaan ah oo aaminsan in Dadka Soomaaliyeed ay Kenya kusoo kordhiyeen Ilbaxnimo, in ay Abuureen Illo Ganacsi oo kor u qaaday Dhaqaalaha Dalka Kenya iyo illo Shaqo oo Maantay gaaraya Nus Malyan Qof oo Kenyaan ah. Waxeyna Xuseen Dhismooyinka Quruxda badan oo ka bidaamaya Xaafada Eastleigh in ay Soomaalidu sabab u tahay. Waxey kaloo titlmaameen in Dhaqaalaha ay Bakiyada Kenya ku shaqeeyaan ay inta badan Soomaalidu leedahay.

Keydmedia Online – Nairobi | Editorial Desk – http://www.keydmedia.net