Yaa Al-Shabab kula dagaalamay Hotel Naasa-Hablood (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada u ah hotelka Naasa-hablood ayaa kaalin wey ka qaatay badbaadinta dadkii aysan tooda soo gelin ee ku sugnaa hotelka oo shalay weerar uu ka dhacay.

Hotelka oo qaab ahaan dhismahiisa uu ka duwan hoteelada kale ayaa waxaa loo ogolaada masuuliyiinta goobta galeysa iney ilaaladooda la galaan qeybta dambe ee hotelka, maadaama barxadweyn uu leeyahay.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa muddo daqiiqado kadib tagay goobta weerarka uu ka dhacay, balse dagaal ku dhawaad 30 daqiiqo qaatay ayaa dhexmaray ciidamada ilaalada u ahaa hotelka iyo kooxdii weerarka geystay.

Laakiin ciidamo badan oo ka tirsan booliska iyo nabad sugida ayaa sawiro laga soo qaaday iyaga oo banaanka ka dagaalamaya, waxayse muujiyeen dadaal badan oo weerarka looga hortagay.

Burburka uu geystay weerarkii shalay ayaa wali raadkiisa uu ka muuqdaa agagaarka hotelka, waxaana saaka laga soo saaray hotelka meydad horleh iyo dad dhaawacyo qaba.

Weerar1-3 Weerar-3 Weerar4-3

A Somali government soldier takes position during gunfire after a suicide bomb attack outside Nasahablood hotel in Somalia's capital Mogadishu, June 25, 2016. REUTERS/Feisal Omar

A Somali government soldier runs to take position during gunfire after a suicide bomb attack outside Nasahablood hotel in Somalia's capital Mogadishu, June 25, 2016. REUTERS/Feisal Omar

Weerar91-2 Weerar93-2 Weerar94-2 Weerar95-2