Kenyatta oo ka hadlay dhibaatada ay Shabaab ku heyso iyo saldhigyada ay ku dhex leeyihiin Kenya

0

Kenya (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa warfidiyeenada kula hadlay Xafiiskiisa ku yaalla Madaxtooyada dalkaas.

Mr Kenyatta ayaa Saxaafada la wadaagay dhibta ay maleeshiyaadka Shabaab ku hayaan dalkiisa iyo qorshooyinka fog ee looga hortagaayo Shabaabka.

Kenyatta waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadka Shabaab ay awood ku dhex leeyihiin gudaha dalkiisa, waxa uuna carab dhabay inay jiraan Saldhigyo qarsoodi ah oo ay ku leeyihiin Gobolada Kenya.

Madaxweyne Kenyatta waxa uu carab dhabay in Shabaabka ku sugan gudaha dalkiisa ay gaaren heerkii ugu danbeeyay ee argagixiso, waxa uuna meesha ka saaray in dowladiisa ay ka gaabisay ciribtirka.

Kenyatta waxa uu bidhaamiyay in abuurka Shabaab uu saameyn ba’an ku yeeshay dhalinyarada Kenyaanka ah, oo qaarkood ku biiray maleeshiyada.

Hay’adaha amaanka ayuu sheegay inay ku howlan yihiin afjarida dhaqdhaqaaqa Shabaab, balse waxa uu carab dhabay inay jiraan qorshooyin fog oo looga hortagaayo Shabaab.

Waxa uu soo hadalqaaday saameynta ay Shabaabka ku yeesheen ciidamada dhexdooda, waxa uuna Uhurro Kenyatta qiray inuu jiro tuhun ku aadan in Shabaabka ay garabsadaan ciidamo ka tirsan Militeriga iyo Booliska Kenya.

Kenyatta waxa uu Hay’adaha amaanka ku wargaliyay inay la socdaan dhaqdhaqaaqa dhalinyarada Kenyanka ah oo ay dhalanrogeen Shabaabka.

Sidoo kale, Kenyatta waxa uu bidhaamiyay in dowladiisa ay dajisay qorsho cusub oo lagu adkeynaayo amniga dalka Kenya ka hor inta aanu dhicin doorashada.

Waxa uu tilmaamay inay ka feejignaan doonaan Shabaab mudada lagu guda jiro ololaha doorashooyinka iyo qabsoomidooda oo fooda ku heysa.

Geesta kale, Madaxweyne Kenyatta ayaa ballanqaaday in mudada uga harsan wakhtigiisa joogitaanka uu laba jibaari doono howlaha amniga.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
Caasimada@live.com

SHARE