Maxay Amisom ka tiri xasuuqii ciidamadooda ay geysteen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada AMISOM ayaa garwaaqsaday isla markaana qirtay inay ciidamadooda dileen 25 neef Geel ah, ayna dhaawaceen 4 kale xili ay dagaal kula jireen maliishiyada Al-Shabaab oo shalay ku dagaalamay deegaanka Wareer Maleh ee ka tirsan Baraawe.

Dilka 25-ka Geella yimid markii kolonyo ciidamada Ugandha ah oo marayay deegaanka Wareer Maleh Al-Shabaab ku soo weerareen qaraxyo baasuuke iyo rasaas aan loo meel dayin, xoolahana ay goobta dagaalka ka dhacay ay daaqayeen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Ugandha oo soo gaaray khasaare ay ka caroodeen si ku talagal ahna u xasuuqeen 25 neef ee Geella.

Afhayeenka AMISOM, Lt. Col Joe Kibet ayaa sheegay in mas’uuliyada dilka 25 neef ee Geella ay qaadanayaan isla markaana uu jiro wada hadalo ay la leeyihiin maamulka deegaanka iyo dadkii xoolaha lahaa  iyo AMISOM ayna kala xoojoonayaan waxa dhacay.

“Inta uu socday dagaalka waxaa leesku adeegsanayay hub culus, xooluhuna waxay daaqayeen halka uu dagaalku ka socday, sidoo kalana waxaa AMISOM ka dhaawacmay labo Askari.” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka AMISOM Joe Kibet.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ciidamada AMISOM dilaan Geella ay leeyihiin dad shacab ah, iyadoo sanadkii 2009-kii ay 11 neef oo Geel ah ku dileen agagaarka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, balse ay bixiyeen diyadii geella.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

SHARE