Shabaab oo weerar ku bilowday qarax ku qaaday fariisimaha ciidamada DF iyo AMISOM ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisimo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ku leeyihiin Degmada.

Weerarka ayaa ku bilowday Qarax waxaana xigay dagaal fool-ka-fool ah oo maleeshiyaadka ku qaaden ciidamada.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ayaa iska caawiyay maleeshiyaadka Shabaab ee weerarka ku qaaday, waxaana la sheegayaa in weerarkaasi uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Saraakiisha kala hogaamineysay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen maleeshiyaad aad u farabadan.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay in maleeshiyada ay ka dhigeen gaadiid dagaal oo ay jiiteen, waxaana la xaqiijiyay in maleeshiyada laga dilay ilaa Sideed dagaalyahaano.

Dhinaca kale, maleeshiyaadka Shabaab ayaan ka hadal khasaaraha la sheegay inay kasoo gaartay dhanka ciidamada dowlada iyo AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Afgooye
Caasaimada@live.com

SHARE