Waa sidee xaalada deegaanka Abal kadib is dhiibida Sheekh Mukhtaar Roobow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaalka u dhexeeya maleeshiyaadka Shabaab iyo xoogaga taabacsan wadaadka Mukhtaar Roobow ”Abu Mansuur”.

Maleeshiyada Shabaab iyo xoogaga Mukhtaar Roobow oo arbacadii ku dagaalamay Deegaanka Abal, ayay hadana shalay ku wada dagaalameen Deegaano hor leh.

Maleeshiyaadka Shabaab oo laba garab u kala baxay ayaa waxa ay ku sugan yihiin fariisimo dhif ah oo ku yaalla deegaanada Seeyalow, halka deegaanka Abal ay weli ku hareereysan yihiin.

Xoogaga Mukhtaar Roobow iyo ciidamada dowlada oo is garabsanaaya ayaa sidoo kale ku sugan qeybo kamid ah deegaanada Seeyalow iyo Abal oo gabi ahaan ku jirta gacantooda.

Warar hoose ayaa sheegaya in wadaadka Mukhtaar Roobow uu goordhow isku dhiibay maamulka Koonfur Galbeed, balse xoogagii taabacsanaa ay weli dhaqdhaqaaq kawadaan deegaanka Abal.

Roobow ayaa la xaqiijiyay in keligii uu galay gacanta maamulka Koonfur Galbeed, sababo la xiriira dhaqdhaqaaqa Shabaab oo sii kordhaaya aawgii, waxaana suuragal ah inuu dib ugu laabto deegaanka Abal wada hadal kadib.

Sidoo kale, Maleeshiyaadka Shabaab ayaa saaka wada dhaqdhaqaaq ay ku doonayaan inay ku weeraraan fariisimo ay ku sugan yihiin xoogaga Mukhtaar Roobow iyo kuwa dowlada oo shalay gaaray qeybo kamid ah deegaanka Abal.

Maleeshiyaadka Shabaab ee ku sugan goobaha dhifka ah ayaa rasaas goosgoosa ku ridaaya dhinacyada ay ku sugan yihiin xoogaga Mukhtaar Roobow iyo kuwa dowlada oo ku kala sugan jihooyinka Abal.

Saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowlada ayaa soo sheegaya in maleeshiyaadka ay waddooyinka qaar ku aaseen miinooyin si aan loogu gudbin qeybaha ay heystaan.

Dhinaca kale, dowlada Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa dadaal ku bixinaaya sida Shabaab looga saari lahaa dhammaan deegaanada ay ku sugan yihiin xoogaga Roobow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

SHARE