Akhriso magaca Soomaali Al-Shabaab ka tirsan oo loo qorsheeyay weerar ka dhaca ISTANBUUL

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu daabacay wargeyska Milliyed daily ayaa lagu sheegay in Dowlada Turkiga ay heegan buuxa galisay Ciidamada amaanka dalkeeda.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Turkiga ay Saraakiisheeda amar kusiisay in laga hortago qalqal galinta amaanka, waxa ayna Dowladu ay cabsi ka muujisay weerar kaga imaada dhanka maleeshiyaadka Al-shabaab.

Wargeyska oo xiganaaya Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Turkiga ayaa waxa ay u xaqiijiyeen in cabsi laga qabo in Al-shabaab ay weeraro ka geystaan gudaha Turkiga iyaga oo adeegsanaaya dagaalyahaano daacad u ah.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamadu ay si gaar ah uga feejigan yihiin in weeraradaasi uu Al-shabaab u fuliyo Dagaalyahaan magaciisa lagu sheegay Bihari kaasoo laamaha ammaanka ee dalkaasi ay sheegeen in uu hore ugu sugnaa Magaalada Istanbuul ee dalkaasi.

Bihari ayaa la tilmaamay in uu hore u gaaray Syria kadibna uu tagay dalka Turkey-ga, iminkana uu la midoobay maleeshiyaadka Al-shabaab.

Sidoo kale, warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay inay jiraan rag kale oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo ku sugan gudaha dalkaasi kuwaasoo laga baqayo in ka qayb qaataan weeraro is qarxin oo laga sameeyo gudaha Turkey-ga, sida warbixinta lagu sheegay.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegtay inay hayaan xog muujineyso in Al-shabaab ay Sargaal u tababaran fulinta weerarada usoo xil saaratay sida uu Turkiga uga dhex fulin lahaa weeraro lagu xasuuqmo.

Sargaalka labaad ee maleeshiyada Al-shabaab ay u wakiilatay fulinta weeraro ayaa waxa ay Saraakiisha Turkiga magaciisa ku sheegen Axmed Ibraahim oo wax ka bartay dalkaTurkey-ga.

Dhanka kale, Ciidamada amaanka ayaa la tilmaamay inay baadi-goob ugu jiraan sidii ay ku heli lahaayen dagaalamayaasha Al-shabaab ay u wakiilatay fulinta weerarada kuwaasi oo magacyadooda aan ku xusnay qeybta kore ee qoraalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com