AL-Shabaab oo canshuur ku soo rogtay deegaano cusub oo ay ka taliso DF

Balcad (Caasimadd Online)- Kooxda Al-Shabaab ayaa Canshuur kusoo rogtay deegano cusub oo ay ka taliso Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii ay qabsadeyn saacado badan Maalintii Sabtida aheyd.

Al-Shaab ayaa dadka dagan tuulooyin dhanka Waqooyi Barri uga beegan magaalada Muqdisho u sheegay inay waajib ku tahay bixinta lacagaha ay Al-Shabaab dadka ka qaadaan ayna ugu yeeraan Zakawadka.

Ciidamada Dowladda iyo Kowa AMISOM ayaa isaga baxay deegaanada ay Al-Shabaab la wareegeyn waxayna taas keentay inay Al-Shabaab halkaas qabsadaan dadkana ku amraan bixinta Canshuurtaas magac diimeedka wadato.

Tuulooyinka ay Al-Shabaab gacanta ku hayeen muddo kooban, kuwaasi oo gaaraya Saddex ayaa ku yaala nawaaxiga degmada Balcad waxayna kala yihiin Yaaqle, Dhagaxow,Kooreebe iyo tuulooyin kale, halkaasi oo ay Ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku lahaayeen saldhigyo.

Al-Shabaab ayaa intii ay heysteen deegaanadaas meel banaan isugu keenay dadka halkaas dagan waxayna si cad ugu sheegeyn inay waajib ku tahay bixinta Canshuurtaas, waxaana arrintaas u xaqiijiyey Shabakadda Caasimadda Online qaar kamid ah dadkii ay Al-Shabaab la hadleyn.

Qof magaciisa khariyay ayaa tibaaxay in arrimaha ay Al-Shabaab soo bandhigeen ay kamid tahay in Rayidka looga baahan yahay inay bixiyaan Zakawadka, taasi oo caado u ah ka uruuriyaan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida meelaha ay dalka ka taliyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa hadda xakameyn la’ cadaadiska ay Al-Shabaab ku hayaan dadka Shacabka iyo amarada isdaba joogga ah oo ay kooxdaan kusoo rogayaan shacabka ku nool meelaha ay dowladda ka taliso.

Dhawaan ayey aheyd markii Kooxdaan ay albaabada isugu dhufatay Garoomada Kubadda Cagta ee ku yaal Gudaha Muqdisho iyo weliba kuwa ku ag yaal Villa Somalia, waxaana hadda dib loo furay qaar badan oo kamid ah kadib markii ay bixiyeen lacagaha baadda ah balse ay Shabaab sheegeyn inay tahay Zakawaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com