Al-Shabaab oo gacanta ku dhigay diyaarad la doonayay in lagu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Alshabaab ayaa shaaciyay iney gacanta ku dhigeen diyaarad nooceedu yahay Drone oo ah kuwa wax basaasa, taasi oo la sheegay iney ku dhacday deegaan ku yaala Shabeelaha Hoose.

Warbaahinta taageerta Alshabaab ayaa baahisay iyagoo saraakiil soo xiganaya in diyaarada nooca Drone-ka ah ay kusoo dhacday deegaanka Goobaale oo ka tirsan Shabeelaha Hoose, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada Alshabaab.

Diyaarada nooca Drone-ka ah ayaa la sheegay in ciidamada Alshabaab ay kala dhaqaaqeen deegaanka ay kusoo dhacday, waxaana loo qaaday goob kale oo gaar ah.

Diyaarada ayaa waxaa la sheegayaa iney ku xiran yihiin kaamirooyinka wax duuba, waxaana loo malaynayaa in laga leeyahay dalka Mareykanka.

Alshabaab qabshada ay qabsadeen diyaaradan ayaa kusoo aadeyso iyadoo todobaadyadii ugu dambeeyay duqeymo lagu dilay saraakiil sarsare oo ka tirsanaa Alshabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com