Xog: Al-Shabaab oo weerar ka geystay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Alshabaab ayaa weerar kusoo qaaday saldhig ciidamada dowlada Soomaaliya ku leeyihiin degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, waxana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada ayaa weerar soo qaaday xili saq dhexe ah oo ciidamada inta badan la sheegay iney hurdeen, waxaana degmada Heliwaa ka dhacay dagaal saacado qaatay oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Alshabaab.

Inta la xaqiijiyay afar kamid ah dhinacyada dagaalamay ayaa ku dhaawacmay dagaalka ka dhacay saldhiga ciidamada dowlada ku leeyihiin degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegay iney guulo ka gaareen dagaalka gaadmada ee ciidamada Alshabaab kusoo qaadeen saldhiga ciidamada dowlada iyo Alshabaab ee ka dhacay degmada Heliwaa.

Taliyaha saldhiga weerarka uu ka dhacay ayaa sheegay in ciidamada iska caabiyeen weerarka gaadmada ahaa ee kaga yimid Alshabaab, isagoo sheegay in wax qasaaro ah uusan kasoo gaarin weerarka.

Wuxuu sheegay in askar gaareysa labo kaliya ay kaga dhaawacmeen weerarka ka dhacay degmada heliwaa ee gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com