Al-Shabaab oo nin duur joog ah dowlada Kenya ugu dhiibtay fariin layaab badan (Halkan ka aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lagu soo daabacay Wargeyska Daily Nation ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay si gaar ah xiligaani u daneynayaan in dagaal fool-ka-fool ah la galaan Ciidamada Kenya ee ku sugan qeybo kamid ah Tuuladda Pandaguo ee Degmadda Laamu ee dalka Kenya.

Wargeyska ayaa qoray in ninkaasi lagu magacaabo Muuse Genje oo 22-jir, kaasi oo wargeyska u sheegay in maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen xili uu kusii jeeday Dhulka Kaymaha ee Boni Forest ee Waqooyi bari Kenya.

Muuse waxa uu sheegay in goortii ay maleeshiyada qabteen ay ku wargaliyeen in gabi ahaantiisa ay qafaalan doonaan waxa uuna sheegay in daqiiqado yar un kadib ay sii daayen balse ay Ciidamada Kenya ugu soo dhiiben fariin Hanjabaad ah.

Wuxuu sheegay in maleeshiyaadka qabtay oo tirro ahaan gaaraayay Lix ay ka dalbadeen in Ciidamada Kenya ee ku sugan qeybo kamid ah Tuuladda Pandaguo ee Degmadda Laamu ay galaan difaac, islamarkaana ay kusoo wajahan yihiin si ay ula galaan dagaal fool-ka-fool ah.

Muuse oo wax laga weydiiyay dhacdadaasi ayaa yiri ”Markii ay i qabteen waxa ay xabadka ii dhigeen dhulka, waxa ay ii sheegen inay i afduubanayaan, qadar yar un kadib waxa ay isoo fareen in fariin aan u geeyo ciidamada Dowlada ee ku sugan Lamu”

”Waxa ay ii sheegen in Ciidamadu ay difaac ka galaan weeraro kusoo wajahan, waxa ayna igu qasbeen in aanan fariintaasi dayicin oo aan u sheego, iyaga oo tilmaamay in si gaar ah ay u daneynayaan inay dagaal fool-ka-fool ah la galaan Ciidamada Kenya”

Muuse Genje waxa uu sidoo kale sheegay in fariintaasi uu u sheegay Saraakiisha iyo ciidamada Kenya ee ka howlgala Lamu, si uu yiri ay isaga ilaaliyaan dagaalka ay Al-shabaab soo qaadi doonaan.

Geesta kale, Muuse Genje ayaa Dowlada Kenya uga digay inay muujiso habacsanaan dhanka amaanka ah, kadib markii uu sheegay in indhihiisa uu kusoo arkay Al-shabaab aad u hubeysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com