Al-Shabaab ku hanjabay dilka Kenyan gacanta ugu jira

Ururka Alshabaab ayaa wa qoraal ah oo ay soo dhigeen Internet-ka ay ku leeyihiin ayaa waxay ku sheegeen inay dilli doonaan la heystayaal Kenyan ah oo gacanta ugu jiro Alshabaab muddo sanado ah.

Warka qoraalka ayaa waxaa Alshabaab ay ku sheegeen in dhamaan dadka Kenyan ah oo ay hayeen inay dili doonaan haddii dowlada Kenya aysan fulin dhamaan shuruudaha ay doonayaan Alshabaab,sida lagu shaaciyay warka kasoo baxay Alshabaab.

AKHRISO SHARUUDAHA KU XERAN MAXAABIISKA KENYANKA AH.

1: Dowlada Kenya waa inaysii daysaa dhamaan Maxaabiista Muslimiinta ah ee ay u xir-xireen sababo la xiriira La dagaalanka Islaamka.

2: Dowlada Kenya waa inay xaqiijiyaan in la siidaayo dadka Muslimiinta ah ee ay u gacangeliyeen Dowlada Yugaandha sababo la xiriira Dagaalka ka dhanka ah Islaamka.

3: Sii deynta dadkaas Maxaabiista Muslimiinta ah waa in aysan wax shuruud ah ku xirnaanin isla markaana ay ay noqodaan mid  shaacsan oo aan qarsanoonayn.

4:Hadii uu dhamaado waqtiga loo qabtay arintan, dhamaan Maxaabiista Gaalada ah Kenyaatiga ah ee kasoo muuqday filimkaan waxaa lagu fulin doonaa Xukun Dil ah.