Askariga toogtay taliyaha wuxuu sigay FARMAAJO

Lama filaan ayuu igu noqday markii aan maqlay xalay in taliyaha ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Farmaajo uu dhaawacay mid ka mid ah askartiisa sababo la xiriira muran ka dhashay mushahar ka maqan askariga. Taliyaha oo magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax Dabagaale, isla markaasna ahaa taliyaha horinta Ciidaanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu dhaawacay afaafka hore ee Madaxtooyada.

Sida aan warka ku helay, murankaan ayaa yimid kadib markii askarigu taliyaha uu ku eedeeyay in uu lunsaday lacag uu lahaa askarigu, hayeeshee muranka oo sii dheeraaday ayaa sababay in la dhaawaco taliyaha.

Xaqiiqdii markii aan maqlay warkan, waxa ugu horreeyey ee maskaxdeeda kusoo dhacay ayaa ahayd “ka waran haddii askarigan fallaagada noqday uu waxyeeleyn lahaa madaxweynaha?”

Arrintan waa mid aan la sahlan karin, oo baahan tallaabo deg deg ah oo madaxtooyada ay qaaddo, si aysan marnaba dib ugu soo noqon. Waxaan codsan lahaa in dowladda ay baaritaan deg deg ah ku sameyso arrintan, kuna dhaqaaqdo tallaabooyinkan:

1 – Waa in la hubiyaa waxa ka run ah sheegashada askariga ee ah in mushahar ka maqan yahay, oo taliyuhu uu qaatay. Haddii madaxtooyada ay bixisay mushaharka askariga, balse taliyuhu qaatay, waa in taliyahaas shaqada laga ceyriyaa, la maxkamadeeyaa kadibna xabsiga la dhigaa, waayo ficilka noocan oo kale ah wuxuu halis ku yahay amniga madaxweynaha. Lama aqbali karo taliya lagu aaminay amniga madaxweynaha oo sameynaya wax halis gelin kara.

2 – Haddii aysan jirin in mushaharka aysan dowladda bixin, waa qalad aad u weyn oo madaxtooyada ay gashay, sababtoo ah wax kasta oo dhacaa iyo lacag kasta oo la waayaa ma ahan in ilaalada madaxtooyada mushahar loo waayaa. Tani waxay halis ku tahay madaxweynaha. Askariga baahan ee mushaharka aan haysan waxa uu u baylahan yahay in la laaluusho, oo xitaa kooxaha nabad diidka ah ay lacag siiyaan, sidaasna ku horseedo dhibaato. Waxaan xusuustaa in xilligii Xasan Sheekh ee madaxtooyada ay galeen Shabaab, in mar ay soo mareen askari ay laaluusheen.

3 – Askariga gaystay dhaawaca, waa in la siiyaa xuquuqdiisa, haddiiba ay ka maqan tahay, kadibna shaqada laga ceyriyaa. Tallaabada uu qaaday ma ahan mid la sixi karo, waa askari aad u fudud, una qalmin inuu kasoo ag dhowaado madaxweyne Soomaaliyeed. Si kasta oo mushahar uga maqan yahay ma ahayn inuu qaado tallaabo halis gelin karta nolosha qof, amniga madaxtooyada, islamarkaana dhaawici karta sumcadda madaxtooyada iyo tan guud ee dowladda. Askariga dhaawacay taliyaha wuxuu sigay madaxweynaha.

W/Q: Cabdiraxmaan Saciid Jaamac
Nairobi, Kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid