Axmed Madoobe oo ka soo horjeestay shir golaha wasiirada yeesheen.

Muqdisho (Caasimada Online) Hogaamiyaha kooxda Raaskambooni ahna guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Maamulka Kismaayo Axmed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Kismaayo waxa uu uga soo horjeestay go’aan shaley ka soo baxay golaha wasiirkada Soomaaliya, kaasoo ahaa in dowladda uu xil ka saaran yahay maamul u sameenta gobalada dalka.

Axmed Madoobe ayaa shirka jaraa’id ka shegay  in go’aanka golaha wasiirada  Soomaaliya uu caqabad wayn  ku yahay dedaalka uu wado urur goboleedka IGAD, kaasoo ah in sida ugu dhaqsiyaha badan maamul loogu sameeyo gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Wuxuu kaloo sheegay  in dhawaan magaalada Kismaayo uu ka dhacaayo shir lagu sameynayo maamulka goboleedka Jubaland State.

Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay in magaalada Kismaayo xoog iyo koox soo duushay aysan maamul u sameen karin isagoona intaas ku daray inn xalka Kismaayo uu ku jiro in dadka daggan goboladaasi oo ka tashada danahooda.

” Kismaayo waynu garaneynaa 21 sano xaalada ay ku jirtay, Kismaayo nin qabsaday iyo nin la magacaabay kama talin karo, xalkeedu waxaa uu ku jiraa dadka gobolka in ay isku yimaadaan oo ay tashtaan, isla markaana isla markaana ay doortaan qofki ay rabaan, qabiilkuu rabo haka soo jeedo ” waxaa sidaa yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa caddeeyay in maamul u sameenta Kismaayo  ay soo sameeyeen lix khabiir oo ka socda IGAD, isla markaana dowladda hadda jirta ay wax ka ogtahay arrintaas sida uu hadalka u dhigay.

Shirka jaraa’id ayuu hoggaamiyaha Raaskambooni oo labo cisho ka hor ku soo laatay Kismaayo uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay u soo dirsato shirka ka dhacay Kismaayo wafuuda u mataleysa.

Si kastaba, golaha wasiirada Soomaaliya ayaa shaley kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay uga hadleen sida ugu haboon ee maamul loogu sameen karo gobalada iyo magaalooyinka laga xoreeyay Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda wada qorshayaal ay ku dooneyso in ay awooda dowladda ku baahiso gobalada iyo magaalooyinka laga saaray Al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho