Baarlamaanka PL oo kala diray Gudigii sare ee Garsoornka

Muqdisho (Caasimada Online)-Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta ku dhaqaaqay go’aan lagu kala diraayo Gudigii sare ee Grasoorka Maxkamada Puntland kaas oo ka kooban 5 xubnood oo kala ah Gudoomiye, Gudoomiye kuxigen iyo 3 xubnood oo Garsoor ah.

Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu diiday Guddiga waxaana ay diideen mudo shan bilood ah oo Madaxwaynaha Puntland soo siiyay masuuliyiinta xilka haysay, waxaana loo cuskaday wakhtiga shaqo oo ka idlaaday, sida uu sheegay Baarlamaanka.

Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha maamulka si diiran uga dalbaday inuu soo yagleelo Guddiga cusub oo bedeli doono kan hadda la kala diray.

Guddiga laga dalbaday Madaxweynaha Puntland ayaa gaaraya ilaa Shan xubnood oo noqon doona Garsooorka sare Puntland.

Soo dhisida kadib ayuu Baarlamaanku sheegay inay ka go’do ansixintiisa Baarlamaanka.

Go’aanka lagu kala diray ayaa ku soo aadaya xilli xabsiyada deegaanada Puntland ay ku xiran yihiin Maxaabiis fara badan oo ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com