CC Shakuur oo mas’uuliyada weerarkii shalay dusha u saaray madaxda dowlada

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si xoogan u cambaareeyey weerarkii shalay lagu dilay mas’uuliyiintii maamulka HirShabelle ee qaraxa lagula eegtay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa ugu horrey tacsi u diray ehelladii ay ka baxeen guddoomiye ku xigeenkii maaliyadda ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, marxuum Cabdullahi Shitaawe, wasiirkii hore ee Ganacsiga Hir Shabelle, marxuum Sabriye Cismaan Toxobow iyo samafale, marxuum Xasan Baldoos oo dhammaan ku dhintay qaraxaasi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in marka ay tallada la wareegayeen madaxda dowladda federaalka ay waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar aheyd nabad, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu dowladda dhexe ku eedeeyey in ay indhaha ka laabatay dhibaatooyinka ka jira waddadaasi, isagoo ugu baaqay inay wax ka qabato amniga inta u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar.

Halkan hoose ka Aqriso:

Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo ehelladii ay ka baxeen guddoomiye ku xigeenkii maaliyada ee Gobolka Sh/ Dhexe marxuum Cabdullahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hir Shabeelle marxuum Sabriye Cismaan Toxobow iyo samafale marxuum Xasan Baldoos oo ay shalay aragagexisada Al- shabaab ku dileen duleedka Balcad. Runtii waa arrin murugo iyo xanuunkeeda wadata.

Sanad ayaa laga joogaa markii sidan oo kale ay argagixisadu duleedka magaalada Balcad ku dileen xildhibaan Ismaaciil Muumin Hilawle, Xildhibaan Daahir C/lle Mukhtaar, iyo Gudoomiye ku xigeenkii degmada Raaga Ceelle Muuse C/lle. Dhamaantood Allaha u naxariisto.

Hogaanka Dowladda Federaalka waxey talada dalka la wareegeen iyadoo waddada Muqdisho iyo Jowhar isku xirta ay nabad tahay, waa masuuliyad darri in maalin kasta masuuliyiin jidka lagu gumaado, dawladduna ay iska fiirsato oo aysan waxba ka qaban, waxna ka soo qaadin. Waxaan ka dalbaneynaa hoggaanka Dowladda Federaalka ah in ay xil iska saaraan wax ma qabashada amni dari ee wadadaas ka taagan, muujiyaana dareen masuuliyadeed oo xilka ay hayaan u qalma.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com