Daandaansiga KENYA xal waara ma u horseedi karaa SOOMAALIYA?

Waxaan wada ognahay in xadhigii siyaasadeed ee ka dhaxeeyeeyay Dalkeena iyo Kenya uu maalinba maalinka ka dambaysa sii wiiqmayo ayadoo lawada ogyahay halka uu salka ku hayo culayska siyaasadeed ee Kenya saartay dalkeena.

Waxaan wada ognahay inay Kenya mar horaba ku tala gashay inay diidmo qayaxan kala hortagto go’aan kasta oo kasoo baxa maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ oo guul siin kara soomaaliya. Kenya waxay wadaa qorshe ah ku qabso ku qadi mayside waana sababta ka dambaysa inay dhawr jeer oo hore ku fashilantay inay madaxda somalida ka dhaadhiciso inay hawsha qaab hoose kuwada dhamaystaan, taasoo noqon karta in biyaha badda ee muranku ka taaganyahay loo kala qaato 60% oo soomaaliya qaadato halka Kenya 40% qaadanayso. Go aankaas wuxuu u muuqdaa mid Kenyaaku kaga hortagyaan inay bad la’aan kusoo dhacaan maadaama hadii soomaliya ku guulaysato kiiskan ay Kenya kusoo dhacayso bad yari taasoo la micno ah in maraakiibta doonaya inay ku xidhaan dekedaha Mombasa iyo Lamu ee Kenya fasax kasoo qaataan soomaaliya iyo Tansania oo ah labada wadan ee xuduud badeedka ay wadaagaan Kenya.

Maxaa Xilligaan kusoo aadiyay Buuqa iyo Muranka Kenya Bilowday?

Waxaa soo dhawaaday xilligii lagu dhawaaqi lahaa natiijada gal dacwadeedka arinta badda ee taal maxkamada ICJ. Waxay kaloo Kenya sii ogtahay inaysan marnaba ku guulaysan Karin kiiskan, sidaa daraadeed Kenya waxaa hortaal labo daran mid dooro. 1: Inay iska aamusto go aanka maxkamadana aqbasho sidaasna ku noqoto wadan aan xorriyad badeed buuxda haysan. Iyo 2: Inay ka gilgilato arintaas una marto dariiqo kasta oo ay wax ku dhacsan karto. Waana mida danbe halka Kenya ka duulayso. xilligaan Kenya waxay qorshaynaysaa inay sii laba jibaarto cadaadiska diblimaasiyadeed ee ay ku hayso dawlda curdankaa ee soomaaliya oo ay isleedahay way u nuglaan kartaa cadaadis siyaasadeed ka awood wayni haduu qabsado. Waxay Kenya quudaraynaysaa inay arintu faraha ka baxdo kolkaasna soomaaliya ku dhaqaaqdo go’aamo lagu degdegay ama xamaasadi ka danbayso taasoo keeni kara in arintu gaarto in lasoo dhex galo labada dale ee jaarkaa, waana halkaas meesha Kenya u socotaa waxayna doonayaan in lasoo dhex galo arintana lagu dhameeyo xaal mastuur.

Maxaa Dawlada Iyo Shacabka Soomaaliyeed La Gudboon lagana filan karaa?

Soomaalidu dhaqan ahaan waa dad shucuurtoodu deg deg ku kacdo waxay mar damcaana haday gacmaha is qabsadaan waqti yar kaga jawaab bixin kara. Waxaa  taas lagu ogaaday xilligii wadanku kujiray gumaysiga oo dadka soomaaliyeed inyar maahee intooda badan gacmaha isu qabsadeen siday wadanka u xorayn lahaayeen. Maanta oo wadankeenu uusan lahayn dawlad awood badan leh ama ku filan difaaca dalka waxaan shacabka soomaaliyeed oo aan kamid ahay ka fili karaa inay garab istaagaan dawladooda mucaraad iyo muxaafad, yar iyo wayn, aqoonyahan iyo jaahil, askari iyo shibil dhamaan ayadoon loo kala hadhin waxaa waajib nagu wada ah inaan garab istaagno dawladeena kuna caawino sidii loo difaaci lahaa sharafta iyo karaamada qarankeena.

Maantoo kale maahan maalin la yiraahdo hebel mucaarad baan ku ahay iyo isku siyaasad maahin, maantoo kale maahan maalin la fiirsho cida hogaanka dalka haysa qabiilkeeda, maatoo kale maahan maalin la fiirsho dhulka la isku haysto qabiilka dagan, maantoo kale maahan maalin cadawga lala kala safto daba dhilifna loo noqdo. Maanta oo kale waa maalintii xoriyada aan u dagaalamaynay waa maalintii awoowayaasheen iyo ayeeyooyinkeen u hureen dhiigooda si aan inagu xoriyad ugu noolaano.

Dawlada somaaliya waxaan ka filli karaa inay daganaan iyo bisayl siyaasadeedkii kol hore ay muujisay ay mar labaad muujiso kana digtoonaato damin kasta oo lagu budhbudhin karo ama lagu carqaladayn karo jawaabta kasoo bixi karta maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ. Madaxda soomaaliyeed waxaa la gudboon inay la tashiga badiyaan ee aysan qol mugdi ah isku soo xidhin lana aamusin masiirka ummadeed ee ay ay alle hortiisa kaga dhaarteen.

Maantoo kale waxay ku qurux badnaan lahayd in madaxda dalka hogaamisaa meel iska dhigaan kala duwanaanta siyaasadeed iyo is nacaybka dhex yaal iyaga iyo mucraadka iskuguna yeedhaan dhamaan wax garadka, aqoonyahanka, dhalinyarada, siyaasiyiinta xisbiyada hogaamisa, hogaamiyayaasha maamul goboleedyada, saraakiisha ciidanka ee khibrada fog leh, diblimaasiyiinta dibad jooga ah ee aan dawlada ka tirsanayn iyo madaxdii hore ee dalka soo martay. Kolkay intaas oo soomaali ah hal miis iskugu gayso lana wadaagto meesha wax marayaan iyo qorshaha dawlada uga dagsan arinta hortaal kana codsato in kala duwanaanshaha siyaasadeed ama qabiil meel la iska dhigo laguna mintido difaacida qaranka.waxay taasi horseedi kartaa isku duubni mug wayn oo sababi kadha in guul siyaasadeed iyo mid difaacba lagu gaaro iyo in kalsoonida shacabka iyo dawladu noqdo mid aan la loodin Karin.

Furasad Dahabiga ah ee Hortaala Soomaalida, maka faaidaysan doonaa mise waan dayici doonaa?

Waxaan shaki kujirin in daadaansiga Kenya uu sabab u yahay awood yarida iyo kala qoqobnaanta dhex taala soomaaliwayn. Wuxuu dalku u qaybsanyahay dhawr maamul goboleed oo mid walbaa dantiisa gaadhkaa fiirsanayo shisheeyana u loogayo dalka, qaarkoodna inay go’ayaan ku dhawaaqeen iyo caasimadii oo kaligeed la daalaa dhacaysa hagardaamada iyo qaraxyada Al-shabaab iyo jilaafooyinka shisheeyaha aan doonayn in Xamar mar labaad noqoto caasimadii ummada soomaaliyeed ee nuurkeedu Africa wada gaadhi jiray. Dhawrkaas qodob iyo kuwo kaloo badan oo isbiirsaday ayaa sababay in dalkeenu horumar balaadhan gaadhi waayo cadawguna ku dhiirado dhaca xoolihiisa.

Hadaba maanta oo dalkeenu ku suganyahay khatar amni mid difaac, boob hantidiisa lala damacsanyahay iyo hagardaamooyin kale oo badan waxay dhamaantood noqon karaan fursado ay naadir tahay in la iska indha tiro. Daandaansiga badeed ee Kenya iyo xulufadeedu wadaan waxay soomaalida u horseedi kadhaa waa-cusub oo ifaya, kacdoon shacab iyo dawlad isku duuban oo wada jir uga dhiidhiya hujuumka cadawga. Waxay fursadani noqon kadhaa mid soomaalida midaysa mar labaad kana saarta kala qaybsanaanta iyo is nacayba. Waa tii Abwaankii soomaaliyeed gabayga ku lahaa “Hadii labo dhurwaa hilib dhex maro waaku diriraane’’ ‘Ase waxay hishiiyaan markuu dhidir u muuqdaaye’’ Hadii soomaalidu noqotay waraabahaas oo kale oo ay hishiin waayeen barwaaqada dalkooda taalana kawada faa’idaysan waayeen ugu yaraan waa inaysan waraabahaas ka caqli xumaan ee ay hishiiyaan markay dhidirka(Kenya) kusoo socda oo xoolohooda inuu dhaco raba arkaan.

Fariin ku socota aqoonyahanka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan:

Aqoonyahanku waa hantida maguurtadaa ee dal kastaa leeyahay, waa midhaha guusha ee dal kastaa ku faano waa badbaadiyaasha dalka markuu xaalad cakiran galo, waa hindisayaasha qorshayaasha badbaadada qaranka. Waa miidii ummada waana kuwa dalkaan samata bixin kara haday adeegsadaan aqoontooda iyo caqligooda meelna iska dhigaan qabiilka iyo siyaasada.

Aqoonyahanka soomaaliyeedoow kama liidataan kuwa Kenya ee u tafa xaytay inay dalkooda usoo dhiciyaan badeena, dhamaan wargaysayda,Tv-yada, baraha bulshada iyo meelaha lagu qabto dood cilmiyeedyada waxaad ku arkaysaa aqoonyahan Kenyan ah oo dadkooda fahamsiinaya qaabka dawladooda ay u garab istaagi lahaayeen, iyagoo dadkooda fahamsiinaya siday xaqa ay ku doodayaan u dhacsan lahaayeen, waxaad arkaysaa inay mar horaba diyaariyeen maskaxda shacbka reer Kenya kana dhigeen shacab u diyaarsan dagaal kasta oo Kenya la gasho Somalia. Maxaa aqoonyahankeena ka hortaagan inay ficilkaas mid lamid ah ama ka xoog badan la yimaadaa wadankoodana difaacaan? Waxaan aaminsanahay in aqoonyahanka somaalidu ka karti iyo dadnimo yarayn kenyanka balse ay naga wadanisanyihiin.

Gabagabadii waxaan shacabka sharafta badan ee somaaliyeed ugu baaqayaa inay dalkooda difaaciisa u midoobaan dawladoodana garab istaagaan Kala qaybsanaanta iyo isnacaybkana iska saaraan kana faaidaystaan fursadan dahabigaa ee kenyanku na soo hordhigeen.

Wabilaahi Tawfiiq.

W/Q: Dr. Ali Abbas Yusuf
Gaalkacyo, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid