Daawo: Culimada Ictisaam oo kasoo horjeestay habka federaalka SOOMAALIYA

Dalka Soomaaliya oo dagaalo wajiyo badan leh ka socdeen muddo 27 sano ah ayaa shirarkii is-daba jooga ahaa ee lagu raadinayey dib u yaglee-lida dowladnimada waxaa lagu heshiiyey in nidaamka Federaalku yahay midka kaliya oo dib la isugu soo celin kara wadankaan dagaaladu hala-keeyeen.

Dadka dagan degaanada Puntland oo waxyeelo badan kasoo gaartey dagaaladii sokeeye ee dhacey ayaa markii dib u dhac weyn ku yimid in la helo dowlad Soomaaliyeed waxay sanadkii 1998 kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiin, odey dhaqameed iyo qaybaha kale ee bulshada go’aansadeen iney dhistaan maamul goboleed “State” qayb ka noqdaa hadii dalka lagu dhaqo nidaamka Federaalka.

Nidaamka Federaalka oo heerar kala duwan soo marey qaadashadiisu ‘ Hoos kasoo dhisid kor u dhisid” ayaa waxaa si rasmi ah loo qaatey markii dowladii KMG aheyd sanadkii 2004 lagaga dhawaaqey kulankii lagu qabtey dalka Kenya kaasooo Madaxweyne uu ka noqdey AHN Cabdulahi Yusuf Axamad oo ahaa hogaamiyihii ugu horeeyey maamulka Puntland.

Shacabka ku nool degaanada Puntland waxay dib u bilaabeen iney ka faa’ideystaan fursadii uu bixinayey qadaashada nidaamka Federaalka ee Soomaaliya iyagoo dhinaca kale qiimo nafeed iyo mid dhaqaale ku baxshey in la helo dowlad dalka oo dhan ka hirgasha.

Culimaa’udiinka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Puntland waxay qayb ka ahaayeen shucuubtii ka faa’ideystey fursadaha uga badana ka heley nidaamka Federaalka ku dhsimey kaasoo mabaa’dii’diisu  tahay in bulshadu u madaxbanaan tahay arimihooda hoose ee taabanaya hurumarkooda shaqo iyo midka bulsho. Dastuurka u dagsan maamulka Puntland ayaa ah mid saamaxaya in madaxda xukunka haysa iyo Barlamanka Shantii sano mar la doorto inkastoo jiraan arimo laga gaabshey

Puntland maanta waa mid nidaamkaan ku heshay kaabayaal dhaqaale sida garoomada diyaaradaha, hurumarka dhinaca arimaha bulshada iyo midka shaqsiyadeed ee shucuubta ku nool meel kasta ha ka yimadeen.

Doorka Culimada ku leedahay Puntland

Degaanada uu ka dhisan yahay maamulka Puntland ayaa tan iyo intii wadanka Soomaaliya ka dhaceen dagaalada Sokeeya waxaa dhibaatooyin balaaran kasoo gaareen dagaal diimeedyada kooxaha xukunka dalka ku raadiya magaca Islaamka ay ku soo qaadeen kuwasoo heerar kala duwan soo marey.

Sanadkii 1992 deganada hadda loo yaqaan Puntland waxaa dagaal ku soo qaadey ururka Itixaad Islaami garabkiisa ciidamada kuwasoo raadinayey xiligaas iney awooda siyaasadeed ee gobolkaas oo ku yaal meel istaraatiiji ah qabsadaan, waxaana lagaga adkaadey dagaalo ay la galeen jabhadii SSDF oo markaas talada goboladaas gacanta ku haysay.

Dagaaladaas kadib waxaa heshiis wada galey siyaasiyiinta degaandaas iyo culimo ka socotey garabka faafinta diinta “Dacwada” ee ururkaas kaasoo markii hore diidanaa in dagaalkaan la qaado. garabka ciidan ee ururkii Itixaad Islaami oo u xuubsiibtey markii dambe Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa markii lagaga adkaadey dagaaladii ay la galeen dowladii KMG aheyd oo garab ka heleysa wadamada dariska la ah Soomaaliya waxaa ka dilaacey garbkii Al-Shabaab kaas oo maanta dagaalo kawada guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Dhismihii maamulka Puntland iyo qaadashadii nidaamka Federaalka Soomaaliya kadib ururka Itixaad qaybtiisa dacwada waxay la baxeen magaca Ictisaam waxayna qayb ka noqdeen dib- u-dhiskii deganada hoos yimaada maamulkaan kuwasoo gacan ka gaystey arimaha waxbarashada, arimaha samafalka iyo fidinta diinta Islaamka.

Kaadiriintii ururadaan Islaamiga ah soo saareen ayaa sidoo kale qayb ka noqdey siyaasada Puntland iyadoo dowladihii kala duwanaa ee talada soo marey ka qabtey xilal sare sida golaha wasiiradsa iyo Barlamanka.

Maxaa dheraad ku ah xiligaan culimada Ictisaam ee Puntland? 

Maamulka Puntland ka jira xiligaan kasoo uu hogaaminayo Cabdiweli Cali Gaas ayaa waxaa ku yimid bur-bur hay’adaihii dowliga ahaa taasoo fursad siisey dowlada Federaalka ah gaar ahaan siyaasiyiintooda diidan ku dhaqanka nidaamka Federaalka.

Puntland oo saldhig u ah jritaanka in dalka Soomaaliya ku dhaqmo nidaamka Federaalka ah ayaa waxaa xiligaan ay galeysaa doorasho iyadoo faragalin kaga imaaneyso madaxda Villa Somalia kuwaasoo adeegsanaya qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan culimada Ictisaamka.

Ururka Ictisaam hogaamiyaashiisa ku sugan Puntland waxay tan iyo intii dowlada Madaxweyne Maxamad Cabdulahi Farmaajo la doortey xiriir wanaagsan la lahaayeen madaxda Viila Somalia gaar ahaan agaasimahii hore ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin kaasoo ka tirsan ururkaas.

Xubnaha ugu sareeya ururkaan oo safaro kala duwan ku bixiyey magaalada Muqdisho ayaa waxay kulamo la qaateen madaxda Villa Soomaaliya kuwasoo qaarkood olole u galey shaqsiyaad rajo ka qaba iney qayb galaan doorashada Puntland.

Dhinaca kale waxaa soo baxayay maalmhaan codad kala duwan kuwasoo diidan kulankii madaxda maamulada Afarta ah ku yeesheen magaalada Garowe, waxaana kamid ah kulamo madaxda culimada Ictisaam ku qabteen mgaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Madaxda sare ee ururka ictisaam ayaa kulamo ay ku qabteen Garowe iyo Boosaaso ku dhaleeceeyey go’aamada madaxda (Puntland, Galmudug, Jubaland iyo Koonfur galbeed) iyagoo dhinaca kale nidaamka Federaalka ku timaamey mid aan waxba soo kordhin islamarkaana tahay in la iskaba dhaafo.

“Qaybyalaadu iyadda oo siyaasadeysan, iyadda oo qoysaysan, iyadda oo kooxeysan bay ina gashay. 30 kadib waxaan is-la-heyn waxbaa idin qabsoomay. 30-sano qof xanuunsanayey in la yiraahdo wuu caafimaadi doono, wax laga sugi karo ma laha. Laakiin, in saacadaan gudihii caasimada, banaankeeda iyo maamul goboleedyadii looga heshiiyo, oo lagu ooryi, oo shirar lagu abaabulo, oo la yiraahdo ‘ka kocooy’ maxaa badal ah oo la hayaa?, maxaa dhaama oo la haya, hadda Rajo baa jirta “dowlada Federaalka ah”, waxaa socda Rajo ayey Umaddu ka qabtaa. Dadku rajadu waxay uga qabaa badankooda wax uun bay ka arkeen. Maxaa dhaama oo ay hayaan? Dib ha-loo eego, mid walba meesha uu ka taliyo hala eego. Maamul walba meesha uu ka taliyo hala fiiriyo? Si dee bay tahay, Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, Danta ay ka shaqaynayaa ma ahan dan Soomaaliyeed, waa dan kale oo ay ashqaasyo leeyihiin. Hadii nalku qan-ciyo, masaakiin baanu nahay. Lakaiin danta ay ka shaqaynayaa waa dan kale, ma ahan Dan Soomaaliyeed,” ayuu Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax ka hadlayey magaalada Garowe.

Magaalada Boosaaso waxaa ka hadlay Sheekh Axmed Daahir Aw Cabdi iyo Sheekh Cabdi-qani Qorane kuwasoo dhaleeceeyey go’aamdii madaxda maamulada islamarkaana ku taliyey in dowlada Soomaaliya lala  shaqeeya islamarkaana meel la iska dhigo khilaafyadaan.

” Waa run in Puntland uu dhibaatooyin badan ka sameeyey Madaxweyne Gaas, danihiisa gaarka ahna ku qunsadey khilaafyadaan laakiin weli waa Madaxweynaha  maamulkan Labadaan bilood ee dhiman balse marna lama aqbali karo iyadoo cid kale loo adeegnayo in khalkhal la galiyo jiritaanka Puntland.” sidaas waxaa GO u sheegey qof aad ula socda arimaha siyaasada maamulkaan oo ku sugan magaalo madaxda.

Culimada iyo shaqsiyaadka hadalada ka jeediyey saxaafada maalmihii lasoo dhaafey ayaa aamusnaa xiligii Madaxweyne Gaas isagoo gacansaar la leh madaxdii joogtey villa Somalia xiligaas in dalka lagu dhaqo nidaamka qabaliga ee 4.5 kaas oo gundhig u ah khilaafyada maanta taagan.

DAAWO MID KA MID AH CULIMADAAS HADAL UU KA JEEDIYEY GAROWE

Xigasho: Garowe Online