Dagaal xoog leh oo ka socda Bariire iyo dowladda oo ka hadashay

Muqdisho-(Caasimada Online) – Dagaal xoog leh ayaa caawa ka socda deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelada Hoose, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada qaranka iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa goor dhaw weerar aad u xoogan waxa ay ku qaadeen deegaanka Bariire, hase yeeshee ciidanka dowladda ee ku sugan deegaankaas ayaa durba guulo ka sheegtay dagaalka oo hadda wali socda.

Taliyaha ciidanka lugta ee xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay Al-Shabaab ka dileen in ka badan 20 dagaalame, hadana ay ciidamada dowladdu ku gacan sarreeyaan dagaalka.

Waxuu sheegay taliyuhu in Shabaab-ka weerarka kusoo qaaday ay doonayeen inay gudaha u galaan deegaanka Bariire, balse ay ka dul dhaceen ciidamada dowladda oo duleedka deegaanka difaac uga jiray.

Waa markii labaad oo muddo Todoba maalmood gudahood ah ay ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Shabeellada Hoose ay guulo ka sheegtaan weerar ay ku qaadeen Al-Shabaab.

Wixii kasoo kordha dagaalka Bariire kala soco Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com