DHAGEYSO: Danjire Key & Soomaalida Minnesota oo ka hadlay walaac jira

Minneapolis (Caasimada Online) Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dnjire Nicholas Key ayaa habeenkii xaley la hadlay Soomaalida ku dhaqan magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota.

Kulanka oo lagu qabtay hotelka Radhison ee ku yaala Minneapolis , waxaa ka soo qaybgalay Soomaali badan oo ku nool gobalkan kuwaasoo goobta ka sheegay sida ay uga xun yihiin weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate.

Danjire Key ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday Westgate uu muujinaayo khatarta kooxda Al-Shabaab ee gobalka, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah loola dagaalamo kooxdan oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Key ayaa sheegay in Soomaalida ku dhaqan Minneapolis ay yihiin jaaliyada ugu firfircoon dalka Maraykanka isla markaana aysan raali ka ahayn falalka argagixisada ee ay fuliyaan Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah madaxda jaaliyadda Soomaalida ee gobalka Minnesota ayaa u sheegay danjire Key in QM ay sii wado taageerada ay siinayaan dadka iyo dowladda Soomaaliya.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay dad eheladood ay wax ku noqdeen weerarkii Westgate, waxaana ay sheegeen in weerarkaas uusan raad ku lahayn Islaamka, maadama dadka wax ku noqday ay ku jireen Muslimiin.

Gobalka Minnesota waxaa la lee yahay waxaa ka tagay dhallinyaro badan oo Soomaali ah kuwaasoo ku biiray Al-Shabaab, qaarkood waxa ay ku jireen kuwii weeraray Westgate Mall.

Sidoo kale, waxaa Soomaalida ku dhaqan gobalka Minnesota waxaa toddobaadkan la kulmay madaxda ka socota Midowga Afrika.

Dhageyso wareysi la xiriira kullanka

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis