Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Wadada Warshadaha

Muqdisho (Caasimada Online)-Inta la xaqiijiyay hal ruux oo haweenay ah ayaa ku geeriyootay Qarax maanta Barqadii ka dhacay wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa lala damacsanaa gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda oo halkaasi maraayay.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Warshada Caafi, waxaana sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen ku dhintay Haweenay saarneyd Mooto Bajaaj wadada Mareysay.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay geerida Haweenaydaasi.

“Qaraxa Miino ayuu ahaa gaari cabdi bile ah oo wadada maraayay ayaa lala damacsanaa, qaraxa markii uu dhacay ciidamada gaariga saarnaa wax ma gaarin, laakiin anaga waan kala cararnay markii aan soo noqonay ayaan arkaayay haweenay wadada taal oo dhimatay.” Ayuu yiri ruuxaasi goobjoogaha ahaa.

Al Shabaab ayaa qaraxyo la beegsada ciidamada Dowladda ee gaadiidka ku socdaala Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com