Dhacdooyin amni-darro oo Muqdisho ay ka nasatay muddo oo dib usoo cusboonaaday

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Sanadihii dhowaa, magaalada Muqdisho waxay dhib weyn ku qabtay qaraxyada iyo dilalka ay gaystaan kooxda Al-Shabaab, waxaana aad u yaraaday falalka amni darro oo ay gaystaan burcadda.

Hase yeeshee, toddobaadyadii waxaa ayaa waxaa dib usoo cusboonaaday dhacdooyin mani-darro oo ay gaysanayaan kooxo burcad hubeysan ah, kuwaas oo qaarkood xitaa dilaya qofka ay dhacayaan.

Allah ha u naxatiistee Cabduqaadir Cabdullaahi Goosaar, oo ahaa wiil dhalinyaro ah islamarkaana dhawaan dhameestay heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacadda, ayaa xalay lagu dilay Muqdisho.

Marxuumka ayaa dilkiisa waxaa ka dambeeyay koox hubeysan oo damacsanaa in ay ka dhacaan Mooto nuuca Feykoonka ah, kuwaas uu ka diiday inuu ku wareejiyo furaha mootada sida ay noo sheegeen dad ku sugnaa goobtii lagu dilay oo ka tirsan degmada Yaaqshiid.

Kaliya Cabduqaadir looma dilin dhaca gaadiidka hase yeeshee waxaa jira dhowr qof oo kale oo lagu dilay Muqdisho maalmihii tagay, kuwaas oo la damacsanaa in laga dhaco gaadiid iyo agabyo kale oo ay wateen.

Dhaca gaadiidka ayaa aad ugu soo badanaya Muqdisho waxaana habeen iyo maalin magaalada laga diiwaan geliyaa dhaca gaadiidka.

Sidoo kale xaafadaha ayaa dadweynaha loo galaa waxaana laga soo furtaa moobeellada, Dahabka, Computerada iyo agabyada kale. Kooxaha dhaca geysanayo ayaa lagu sheegay in ay yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowaldda halka warar kale ay sheegayaan in ay yihiin rag hubeysan oo dhar caadi ah wata, mararka qaarna soo xirta dhar ciidan.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa warbaahinta qaar xalay u sheegay in ay wadaan baaritaanno arintaan la xariira islamarkaana ay wax ka qaban doonaan cabashada dadweynaha.