Dhageyso: Go’aanka Madaxda Africa

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Adis Ababa (Caasimada online) Madaxda wadamada Africa ayaa go’aan cad waxay ku gaareen in inta Madaxda Africa ee iminka ay baadi goobeyso Xilka ay hayaan aan la maxkamadeyn karin , isla markaana aaney hor tageyn maxkamadaas .

Madaxda Africa ayaa isku raacay in Maxkamada dambyiyada Dagaalka ee ICC-da inay kaliya Beegsi ku heyso , Madaxda wadamada Africa, waxaana ay tilmaameen in taasi ay tahay mid Calaadalada Kafog sida ay shaaciyeen.

Madaxda wadamada Africa ayaa sidoo kale  kulankooda waxay isku af garteen in Maxkamada Dambiyada Aduunka ay ka fiirsanayaan hadii aysan u hoogsamin Go’aanka Madaxda wadamada Africa ee Shirka Adis Ababa.

Afhayeenka Madaxtooyada  Soomaaliya, ahna la taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Egneer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, ayaa sheegay in go’aanka Madaxda wadamada Africa uu yahay mid ku filan Maxkamadda ICC-da

Yariisoow , oo wax laga waydiiyay Ciidamada Midowga Africa , ayaa sheegay in taasi ay sahleyso  in shabaab deegaanada ay ku sugan yihiin ee gobolada dalkain si deg deg ah looga saaro .

Waxaa la weydiiyay Su’aal aheyd bal in ciidamo Shisheeye inta lasoo kordhin lahaa ay ka haboontahay in Ciidamda dowlada Tababaro loo sameeyo si ay awooda dalka ay iyaga ula wareegaan .

Afhayeenka ayaa shegay in habka Xoojinta Ciidamada xooga Dalka uu yahay mid socdo  awooda dalka ay iyaga la wareegi doonaan balse haatan aysan awood buuxdo u laheyn xaqiijinta amniga lagama maarmaana ay tahay ciidamo kale oo amisom ah in lahelo.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka YARIISOOW

yariisoow

Caasimada online

Xafiiska Adis Aababa

Caasimada@live.com