Dhageyso: Kismaayo: Hub, Haween iyo rag damacsanaa shirqool oo la qabtay

Kimaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay waxay sheegayaan inay ciidamda maamulkaas gacanta ku soo dhigeen hub iyo walxaha qarxa iyo waliba  dad isgu jira rag iyo Dumar shabaabnimo lagu tuhunsan yahay.

Nadiir Cabdulaahi oo ka mid ah saraakiisha maamulkaas ayaa warbahinta u sheegay inay soo qabteen haween  isku soo xira walxaha qarxa kuwaas oo haatan ku xiran saldhigga magaalada Kismaayo .

Wuxuu sidoo kale sheegay inay jiraan rag badan oo iyaga shabaabnimo lagu tuhunsan yahay inay gacanta ku hayaan waxaana uu sheegay in howlgalada iyo baaritaanadu ay yihiin kuwo is barbar socda.

Magaalada Kismaayo wuxuu sheegay inay ku sugan yihiin rag badan oo Shabaab katirsan kuwaas oo si dhuumaalieysi ah ah magaalada xilliyada habeenkii ah kusoo gala .

Nadiir wuxuu sheegay inay sii laba jibarayaan howlgalada ay ka wadan gudaha magaalada Kismaayo e xarunta gobolka Jubbada Hoose ilaa amniga magalaada ay ka xaiijinyaan.

Kismaayo habeenadii ug dambeeyay waxaa ka dhacay falal qorsheysan oo dilal ah taas oo wararka qaar ay sheegayaan inay tahay mid ku saleysan aano qabiil , halka shabaabna lagu eedeeyay

Halkaan ka dhageyso Nadiir Cabdulaahi

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com