Dhaqdhaqaaqa Isbeddel ee Geeska Afrika: Nabad mise colaad? (Fallanqeyn)

Waxa bishan bilatey ee Maarso iyo bishii hore-ba ee Febraayo la dareemaya isbeddelo xooggan oo ka socda Geeska Afrika waddamada kuwada nool. Taas oo uu hor kacayo Raiisal Wasaaraha dhawaan xilka dalka Itoobiya qabsadey ee Dr.Abiy Ahmed. RW oo durbadiiba lasoo shaac-baxey dhaqdhaqaaqyo isbeddel doon u muuqda, taas oo aaan hore looga baran siyaasadda Itooobiya ee ku dhisneyd ab ka ab oo aan wax lagu dari jirin  waxna laga dhimi jirin.

Waxa uu ka billowdey isbeddelkani in muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ah Jabhadda Waddaniga Xoreynta Soomaali Galbeed oo la dhaho Cabdikariim Sheekh Muuse “Qalbi dhagax” ay dawladda Soomaaliya ee Nabad iyo Nolol u gacan gellsey dawladda Itoobiya. Taas oo han-jab weyn ku noqotey taageeridii loo hayey dawladda cusub ee Sooomaaliya. Qoraal, muuqaalo,doodo,baaqyo intaba waa lagu difaacey Qalbi dhagax, balse waxba loo qaban kari waayey.

Waxa se amakaag noqotey in mar qudha siyaasadii Itoobiya isbeddeshay, taas oo Raysal Wasaarihii dalka ee Haile Maryam Dissale uu is casiley. Iscasilitaanka Haile cid falanqeysay ogaalkeyga ma arkin oo dhugatey sababta keentay. Waxaase ii muuqatey isbeddelku halka uu salka ku hayaa in ay tahay iscasilidda Haile. Keddib muddo kooban oo Itoobiya qalalaasayaal ka dhaceen waxa xilka loo dhiibey Dr.Abiy Ahmed oo kasoo jeeda Qowmiyada Oromada.

Doorashadaas cusub ayaa waxa ay saameyn xooggan ku yeelatey siyaasadii Geeska Afrika, gaar ahaan maamulada Soomaaliyeed oo iyagu kabo-qaad u ahaa siyaasadda Itoobiya, oo ay ugu horeyso Somaliland oo iyaduna doorasho ka dhacdey dhammaadkii 2017, ayaa dadku waxa ay eeda saarayeen Madaxweynaha cusub ee Muuse Biixi Cabdi, balse arrintu waa ka weyntahay Muuse ee siyaasadii caano-nuuga u aheyd baa isbeddeshay.Somaliland hakad xagga arrimaha dibedda ah baa ku habsadey.

Isbeddelada uu Raysal Wasaaraha cusub ee Itoobiya lasoo shir tagey ayaa waxa ay noqotey in uu soo daayey oo xornimadisii usoo celiyey Qalbi dhagax. Taas oo dhabar jab weyn iyo fashil ku noqotey dawladda Sooomaaliya. Waxa kale xilka uu ka tuurey dhammaan raggii dabo dhilifka u ahaa taliskii tigreyga, gaar ahaan maamulka Soomaali Galbeed oo uu ka talinayey Cabdi Maxamuud Cumar, isagoo weliba xabsi ugu darey.

Keddib waxa uu furfurid aad u xooggan ku billaabey dhammaan siyaasadii Itoobiya ha noqto tii dibedda iyo tii gudaha.  Waxaana uu liiska argagixisada ka saarey Jabhadda Waddaniga Xoreynta Soomaali Galbeed. Kuwaas oo dhulkoodii kusoo guryo noqdey, taladana loo dhiibey dad taabcsan iyaga oo uu kow ka yahay Mustafe Cagjar. Haddaba siyaasadda Soomaaliya ee xidhidhka tooska ah la leh Itoobiya ayaa isbeddelada dhacey waxaa kamid ah: dhawaaqyadii kasoo yeedhayey dibnaha Dr.Abiy Ahmed ee ahaa “Mideynta Geeska dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba”.

Taas oo wax lala yaabo la noqotey dad badan oo Soomaaliyeed, walow heshiiska mideynta la sheegayaa u muuqdo mid maldahan oo aan xog badan laga heyn, haddana waxa muuqatey in Itoobiya loo ogolaadey afar dekadood oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed. Halka dawladda uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo gadhwadeenka ka yaheyna ay ka gaabsatey faahfaahinta heshiiskaas mideynta ee la sheegayo.

Itoobiya tan iyo qarnigii 19aad waxa damac xooggan kaga jirey dhulka iyo badda Soomaaliyeed, oo ay baadi-goob ugu jireen sidii mar uun ay u heli lahaayeen dekad ay wax uga soo dagaan sida ay doonaanba haku helaane qori ahaatayaa ama qalin ahaatayaa. Waxa sidoo kale xasuusasho mudan odhaah caan ah oo uu nin reer galbeed ahi kaga qudbadeeyey United Nations, balse hadda aan magaciisa hilmaansanahay oo aheyd “ Sidee ayey ku dhacdey 100million oo Itoobiyaan ah in xeeb la’yihiin, halka 15million oo Soomaali ahina ay heystaan xeebta ugu dheer Afrika oo dhan 3300km. waxa aanu awoodayada saareyna sidii 100million xeeb loogu heli lahaa”.

Waxa sidoo kale haddana anfariir iyo dhabano qabsi la noqotey Ummaddii Soomaaliyeed in Itoobiya ay billowdey dhisidda ciidamo baddeed oo Itoobiyaan ah. Haddaba sow halkaas kama muuqdaan in badda ciidamada loo dhisanayaa ay tahay tan Soomaaliyeed ee baylahda ah? Haa waa iyada. Weliba waxa ay dekadda Berbera ee shirkadda DP World ay kiraysatey 30ka sanno ay Itoobiyana ku leedahay saami qeybi gaadhaya 19% oo kamid ah 65% oo maalgelineed ee shirkadda DP World .

Taas oo weliba heshiiska ku cad iyo weliba in dawladaha labada ah ee Imaaraatka,Itoobiya iyo maamulka Somaliland uu mid weliba xaq u leeyahay in uu iibin/gadi karo saami qeybsigiisa u gaar ah. Hadii shirkadda imaaraatka laga leeyahay ee DP World ay saamigeeda dekaddu uu yahay 65% ay ka iibiso dawladda Itoobiya. Waxa Itoobiya sidaas ay ku helaysaa saami dhan 65% oo maalgelin ay dekkada ku yeelaneyso. Maadaama oo ay maalgelinta ugu badan yeelan karto dawladda itoobiyana, waxa ay xaq u yeelaneysaa in adeegsi ugu badana ay yeelato iyadu. Itoobiya waxa ay rabtaa dekadda Jabuuti in ay ka tanaasusho oo dekad ka jaban, kana hawl yar ay si fudud ku hesho oo aan cidna kala xisaabtamin beylahna ah.

Waxa sidoo kale soo cusboonaatey xiisad la xidhiidha dhanka badda Soomaaliyeed, oo ay khilaaf ka dhan ah keeneen dawladda Kenya. Taas oo maxkamadda caalamiga ah ee ICJ lagula jirey, ayaa keddib waxa ay dawladda Soomaaliya kusoo bandhigtey magaalada london sahamin shidaal oo ceelal badda Soomaaliya ku yaal laga sameeyey. Arrintaas oo kenya ka muujisey in lagu xad-gudbey baddii kenya ee khilaafka ku jirtey. Maqaal ku sahabsan “Khilaaf baddeedka Kenya iyo Soomaaliya” oo aan qorey 19 Febraayo 2019 lifaaqan ka akhriso: https://abdifatahbarawani.wordpress.com/2019/02/20/khilaaf-baddeedka-kenya-iyo-soomaaliya/

Waxa uuna khilaafkaas Kenya iyo Soomaaliya soo kala dhex galey sababey in si sharaf darro iyo meeqaam liita ah loo soo eryey safiirka Soomaaliya u fadhiyey Kenya. Iyadoo dawladda kenyana ku eedaysey Soomaaliya cadowgeeda. Keddib waxa ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya soo saartey jawaab ku wajahan dawladda Kenya, taas oo ay uga jawaabtey hab u muuqda diblomaasiyad, balse ay ka dhex muuqato itaalka maanta ee Soomaaliya oo aan aheyn marnababa iyo si udhowba Soomaaliyadii hore.

Haddaba iyadoo isbeddelaas xooggani aysan weli joogsan, ayaa Raiisal Wasaaraha Itoobiya Dr.Abiy Ahmed bilaabey shirar saddex geesood ah oo kala duwan oo uu kula kulmayo madaxweynayaasha geeska afrika, waxaana ugu horreeyey madaxweynaha Somaliland oo isaga uu si gaar ah ula kulmey iyo madaxweynaha Soomaaliya oo uu isna si gaar ah ula kulmey. Balse labadooda marka laga reebo uu dawladaha kale ee geeska oo aysan Jabuuti ku jirin uu ula kulmey is wada jir ah tusaale ahaan: Eriteriya,Itoobiya,South Sudan ama Eriteriya,Kenya iyo Itoobiya.

Waxa haddaba wax lala yaabo noqotey in Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland ay sheegtay in Dr.Abiy Ahmed uu kala hadley madaxweyne Farmaajo in uusan fara gelin karin arrimaha Somaliland iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Haddaba hadalkan ay sheegtay Somaliland iyo ka uu sheegay xafiiska raiisal wasaaraha Itoobiya Dr.Abiy Ahmed oo aan u muuqan in ay wax badan ku kala duwayihiin oo isna ahaa “Ensure that relations with the administration of Somaliland support regional peace” oo macnaheedu yahay “ in uu xaqiijiyo/hubiyo xidhiidhka kala dhexeeya maamulka Somaliland kuna taageerayo nabad gelyada gobolka”

Haddaba waxa ayaan darro weyn ah in madaxweyne matalaya dawladii Soomaaliya ee dhexe uu nin Itoobiyaan ahi oo Addis Ababa jooga uu u yeedhinayo waxa uu ka yeelayo dalkiisa iyo sida uu ula dhaqmayo. Taas oo caddeyneysa meeqaamka uu joogo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxa sidoo kale layaab ah in maamul goboleedyadii kale ee dalka intii ay dawladdan Nabad iyo Nolol bilaabmatey uu hakad galey dalal badan oo ay u safri jireen haddii ay noqon laheyd dalalka deriska iwm. Balse maamulka Somaliland ayaa isaga si gaar ah loogu yeedhay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Midan oo qaran jab iyo quudhsi ku ah awood darrada iyo in uusan awood u laheyn gobolo kamid ah Soomaaliya uuna xakameyn kari waayey.

Waxa haddaba shaley oo ku beegan 5tii Maarso uu madaxweynaha Soomaaliya codsi ka helay raiisal wasaaraha Itoobiya, taas oo uu sheegay in uu dhexdhexaadinayo khilaafka ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Kenya. Waxa uuna markii uu gaadhey Itoobiya 2:00 Pm, ayuu isla habeenimadiiba u duuleen si wadajir ah dalka Kenya si ay ula kulmaan Uhuru Kenyatta. Waxa haddaba wax aad looga xumaado oo gunnimo ah in uu Dr.Abiy Ahmed hadal kasoo yeedhay xafiiska Dr.Abiy 6dii maarso oo maanta ah in “labada madaxweyne waxa ay saaka subaxdan badanaa ka hadleen khilaafka laba waddan. Taas oo natiijadii kasoo baxdeyna ay noqotey in labada dhinacba ay isku waafaqeen in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabada iyo ay qaadaan tallaabooyin wax looga qabanayo arrimaha gaarka ah ee xiisada sii kordheysa”.

Haddaba waxa layaab leh in sidoo kale shaley subaxdii uu haddana xafiiska Dr.Abiy Ahmed kusoo qorey boggiisa baraha bulshada in “ Raiisal wasaare Abiy Ahmed uu ka ciyaarayo taxadar gaar ah heshiisiinta kala duwanaanshaha kasoo dhex muuqdey Soomaaliya iyo Kenya” Labada hadal ayaa u muuqda kuwo boodhka lagu qasayo xiisadda ka dhex aloosan labada dal, oo ka dhigaya badda Soomaaliyeed wax fudud oo kala duwanaansho, nabada halaga shaqeeyo iwm, taas oo ah in Ummaddda Soomaaliyeed iyadoo awalba labadaas nin xoog ku heysteen maantana ay usoo dhigteen badda lama taabtaanka ah.

Waxa isweydiin mudan haddaba Maxay tahay nabada la sheegayaa? Ummadda Soomaaliyeed mowqifkoodu wuu cadyahay, in aysan taako kamid ah badda iyo berriga Soomaaliyeed aysan kenya qaadan doonin, intii hore-na la isaga daba iman doono goor ay doontaba ha ahaatee. Uhuru Kenyatta waxa uu rabaa isagoo dawlado shisheeye adeegsanaya in laga tanaasulo gorgortanka yaala maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Waxa aan anigu fikir ahaan qabaa iyo inta ila mabada’a ahiba in haddii Kenya la isku dayo in badda khilaafka la geliyey ay qaadato in aaney marnaba geeskan afrika nabad iwm aan loogu soo halqabsi doonin. Weligiina uusan geeska afrika nabad noqoneyn inta Soomaali dawladnimadeeda la luqun jibaadhayo ama la wado in shacab,dhul,bad iyo hawaba si gef iyo gar darro ah loo qaato.

Waxaana maanta muuqata in dawladda Nabad iyo Nolol ay ku fashilantahay arrimaha dibedda oo marba loo yeedhayo si loogu yeedhiyo waxa ay qaban laheyd, cida cadowgeed ah iyo cida saaxiibeed ah. Isbeddelada geeska afrika ka socda maanta waa laba mid uun baan kuso gabogabeyn: in la rabo in Soomaaliya ay noqoto dawlad maqaar saar ah oo sidan maanta ka daran, wixii dhul,shacab,bad iwm ee damac ka galo dawladaha deriskana ay siiso, ama in la rabo in dawladan aynu hadda itaalkeeda aragno in khariiradaba laga saaro shacabka Soomaaliyeedna lagu kala daro labada dawladood ee Kenya iyo Itoobiya. Waana qodobka dambe midka ay rabaan Kenya iyo Itoobiya.

W/Q: Cabdifataax Barawaani

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid