Diwaan-gelinta ciidanka dowlada Somalia: Tallaabo mar hore loo baahnaa

Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya waxaa la aasaasay 12 Abriil 1960, wuxuu soo galay dagaallo waaweyn, waxaase hadal ku kala diray Raysalwasaarihii Soomaaliya Cumar Carte Qaalib bishii Febaraayo 1991, markii jabhadaha wadanku qabsadeen ayuu ku dhawaaqay in ciidamada qalabka sida gobol kastoo ay joogaa isu dhibaan jabhadaha hubaysan.
Amarkasi wuxuu ahaa jabkii ugu xumaa oo ku dhaca astaantii ugu danbaysay ee dawladnimadii Soomaaliya, maxaa ka dhashay? Waxaa ka dhashay In ciidamadii isku duubnaa intii isku gobol ama isku qabiil ahayd, intey isa soocdan hubkoodana horey u qaataan gobolladii iyo qabaa’ilkii ay ka dhasheen aadan, dagaaladii qabiilna ka qayb galaan.
Tan iyo wixii markaas ka danbeeyey wadanka ciidan rasmiya oo qalab sidaa kama jirin. Maamuladdii ugu horeeyey ee Soomaaliya laga aasaasay waxay ahaayeen Soomaaliland iyo Puntland waxaana ciidanka hadda jira ee ay leeyihiin lagu dhisay nidaam maleeshiyaad qabaa’ilka laga soo ururiyey, hubkooda ay la imanayaan, xeryo lagu xareeyo, kadibna tuute iyo mushahar la siiyo, ilaa wakhtigaan ciidamada labadaas maamul waxay u dhisan yihiin qaabkii maleeshiyaadkii lagu unkay, iyadoo tababaro dheeraad ah la siiyo.
Markii Dawladda Federaalka ahayd ee Madaxweynaha uu ka ahaa Alle ha u naxariistee Cabdilaahi Yuusuf Axmed Muqdisho soo caga dhigtay wuxuu raacay hannaan la mid ah kii Puntland iyo Soomaaliland, wuxuuna xeryo ku ururiyey maleeshiyaadkii qabaa’ilka, iyadoo qofkastoo hor kacayey looga dhigay taliye, sidaas ayaana ciidamadda hadda jira ee DFS ay ku abuurmeen, ilaa wakhtigaasna ma jirin hannaan rasmiya oo tiro sax ah leh oo lagula socon karo.
Tirakoob la’aantaasi waxay keentay in saraakiil heer dhexe ahi ay si joogta ah tirooyin aan jirin mushahar ahaan ugu qaataan, waana halka sartu ka quruntay markii dawladdaani soo jeedisay in tirakoob sax ah lagu sameeyo ciidamada, iyadoo marar horena la soo jeediyey tirakoobka casriga ah ee Biometric loo yaqaano, waxaana bilaabay Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabdiwali Jaamac Gorod.
Intii tirakoobka la sameeyey waxaa soo baxay fadeexado badan, tirada u diiwaan gashanayd Dawladda waxay ahayd 27 kun oo askari, waxaa soo baxay wax ka yar intaas, welina tirakoobkii socdo. Waxaa kale oo soo baxay dad shaqooyin kale haya oo u diwaan gashan ciidan, mushaharna ku qaata. Aniga nin aan saaxiib nahay oo Talyaaniga ku nool shan sano ka horna ka tagay Muqdisho ayaa ii sheegay xalay in uu u diiwaan gashanaa askari ahaan oo shantaas sano mushaharkiisii u soo dhacayey, haddase diiwaan gelintaani ka hakisay, waana arrinta igu dhalisay inaan maqaal ka qoro sheekadaan.
Dawladnimada Soomaaliya waa mid ka burbursan dhinac kasta. Markastoo tallaabo wax lagu saxayo la damco in la qaado waxay u baahan tahay taxadar dheeraad ah, si dawladnimada curdinka ah ee hadda aan haysanno aan u ilaashanno.
Diiwaan gelinta markii la bilaabay waxaa wakhtigaasba ka biyo diiday saraakiil wakhti badan helayey lacago ciidan diiwaanka aan ku jirin, waxayna caqabad ku noqdeen in si sax ah diwaan gelinta ciidanka loo sameeyo wakhti ku haboon, mar aan la sheekaystay qof ka mid ah dadka nidaamka diiwaan gelinta wada magaciisana ka gaabsaday sababo ammaan wuxuu ii sheegay in wakhtiyo badan marka ay ciidamada furimaha ugu tagaan si loo diiwaan geliyo caqabado ay ka mid yihiin in hawl gallo lagu maqan yahay, ama cudur daarro kale loo sheego, si markasta loo daboolo ogaanshaha tirada rasmiga ah ee ciidanka joogta goobtaas,  waxay dib u dhac ku riday tirakoobkii, waxaana aysan helin mushahar kuwii aan la diwaan gelin, waana tan keentay in la arko markasta ciidan shaashadaha soo istaagaya oo leh mushahar nalama siin.
Waxaa kaloo jira askar iyana la diiwaan geliyey oo aan mushahar helin, kuwaasoo aan badnayn, sarkaal ku hawlanaa diwaan gelintu wuxuu iigu sheegay arrinta inay ku dhacday lambarada xisaabaadka loogu diro oo marka computerka la gelanayo lambar ka mid ahi khaldamo, maadaama tiro badan lagu xaraynayo kaambuterka, ayse saxayaan taas.
Ilaha kale ee xiisadaha ka dhashay diwaan gelintaan ka faa’iidaysanaya waa mucaradka dawladda oo iyagu u arka wax kastoo tallaabo ay dawladdu qaado fursad ay dhaliilo ugu samayn karaan, mana jirto hab rasmiya oo ay soo jeediyaan oo talo ah oo wax hagaajinaysa, waxaanay u muuqdaan inay jecelyihiin in waxa la haysto lagu kala yaaco, waxaana dadka Soomaaliyeed anfariir ku noqotoy sida mucaradku wax kastoo dan qaran ah isaga indho tiraan iyagoo keliya fiirinaya xurgufta siyaasadeed ee kala dhaxaysa madaxda markaas joogta.
Talo ahaan dawladda waa u furnayd wadooyin dhowr ah, sida inay mushaharaadka ku bixiso tirooyinkii hore inta diwaan gelintu socoto, si looga gaashaanto culays fuula askariga iyo amaankaba. Waxayse ku saxsan tahay inaysan ka noqon habka diwaan gelinta oo culaysyo badan iyo goodin uga timid dhinacyo kala duwan., Waxaana muhiim ah in ay dawladdu qorshe u samayso in qaabka ciidanka dawladdu u dhisan yahay ay wax badan ka bedesho, la iskuna dhafo si meesha ay uga baxdo in weli qaababkii qabiilku lug weyn ku leeyahay ciidamada.
Ugu dambeyntii,  waxaan rabaa inaan iftiimiyo in askari walba oo tuute xiran uu xaq u leeyahay in la dhawro xuquuqdiisa, lagana daayo siyaasadda iyo qabiilka lagu suntayo. Waa inaan ogaannaa in isbadal kasta uu leeyahay xanuun ito culeysyo badan, balse waa inaan dowladda ku garab istaagnaa hagaajinta hannaanka ay ciidamadeenu u shaqeeyaan oo uu musuq badan ka dhex jira dhanka saadka iyo maaliyadda.
Farmaajo iyo Khayre wakhti baa ku socda, shacabka Soomaaliyeedna dhiigiisa ayaa maalin walba argagixisadu daadinaysaa, mana aha in la aqbalo in 4 kun oo Shabaab ah ayay ka guuleysan la’yihiin 27 kun oo ciidankeenna ah.
Waa inaan gacmaha isqabsannaa, khaladaadkeenna saxnaa, madaxdana kula xisaabtannaa waxa ay khaldaan, maaha inaan kula dagaalno waxa ay saxayaan sida arrimaha diiwaangelinta ciidamada.
W/Q: Maxamed Xasan Maxamed (Cirro)
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid