Dowlada Burundi oo shaaca ka qaaday tiradii ASKARTA sabtidii looga dilay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Burundi ayaa war ka soo saartay weerar in ka badan 10 askari looga dilay oo malin ka hor ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sarkaal sare oo ka tiran ciidamada dalkaasi oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi oo jidgal ah looga dilay illaa 12 askari oo ka mid ahaa ciidamadooda ka howlgala gudaha Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa shaaciyey in weerarkaasi looga dhaawacay lix kale, isagoo sheegay in xilliga uu dhacayey ay ciidamadu wadeen howlgal amni xaqiijin ah.

“Nasiib darro 12 ka mid ahaa Ciidamadeena ayaa la dilay, lix kalena waa la dhaawacay xagjiriinta Al-Shabaab ayaa weeraray kolonyo ka tirsan Ciidamadeena oo kusii jeeday magaalada jowhar kana ambabaxay Magaalada Muqdisho.” ayuu yiri sarkaalkaasi.

Sabtidii la soo dhaafay ayey aheyd markii agagaarka deegaanka Gololey dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku weerareen kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda Burundi ee ka howlgalka qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku dishay illaa 14 askari, kuna dhaawacday tiro intaasi ka badan, sida ay hadalka u dhigtay.

Inta badan ciidamada AMISOM ayaa weeraro dhabo gal ah kala kulma Al-Shabaab, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Muqdisho iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com