Faa’iidooyinka iyo ciladaha hannaanka doorasho ku dhisan saami qeybsiga baarlamaaka (Maqaal)

Arar kooban

Bishii lixaad ee sanadkaan 2018 ayaa madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada waxay ku heshiiyeen in dalka ay ka dhacdo doorasho u qof kasta oo  soomaaliya codkiisa u dhiiban karo si xor , xaal ah iyo cabsi la’aan.  Madaxda soomaaliyeed waxay go’aamiyeen in la qaatay hanaanka doorasho ee saami-qeybsiga  ku dhisan.  Qormadaan waxaan si kooban ugu  soo bandheynaa  suurgalnimada doorasho hal iyo cod ku dhisan oo ka dhacada dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka iyo habka awood qeybsiga ee 4.5 loo yiqaano.  Waxaan sidoo kale qormadaani ifineysaa fursadaha iyo ciladaha uu leeyahay nooca doorasho ee la qaatay.

Doorasho hal cod iyo qof ah.

Marka la eego dhibaatooyinka amni, dhaqaale iyo siyaasadeed, waxaa muuqeynaysa in sanadka 2020 aaney dalka dhici karin doorasho fursad siiney qofkasta oo muwaadin qaangaadh ah.  Waxaa dhici kara waa dhoorasho ka wanaagsan tii dadbaneyd ee dhacday sanadkii 2016 laguna soo doortay xubnaha baarlamaanka 10aad ee hadda shaqeynaya. Waxaa jira waxyaabo asaas ama lagama maarmaan u ah iney dhacdo doorasho guud oo fursad u siineysa qofkasta oo muwaadin ah, isla markaana buuxiyey shuruudihii codbixiyenimada.  Waxyaabaha lagama maarmaanka u ah dhicitaanka doorasho dadweynuhu miyi iyo magaalaba ka qayb geli karaan  waxaa ka mid ah:

Tirakoob Qaran:  si doorasho xor iyo xalaal ah u dhacdo waan in dadka dalka ku dhaqan iyo qurba joogtaba la tiriyaa/tirakoobaa. Ogaansha tirada muwaadiniinta dalka waxay laga lagama maarmaan u tahay qorsheynta iyo jaangoynta doorashada iyo kuraasta baarlamaanka dowladda federalka. Markaad xaaladda dalku ku jira eegtid waxaa kuu soo baxaysa inaaney suurgal ahayn in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod ku dhisan. Xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ayaan ogalaaneyn in dadweynaha soomaaliyeed xiligaan la tirakoobo, taasi waxay na garansiineysaa  in doorasha la sugayaa aaney  noqon doonin mid  qofkasta siineysa fursad uu codkiisa/codkeeda si xor ugu dhiibato. Haddii uu hirgalo nooca doorashada saami- qeybsi xubnaha baarlamaanka , waxaa doorashada ka qeyb-geli doona tira kooban oo dadka magaalooyinka ku nool ah.

Degaan Doorasho La’aan:    markaa la sameeyo tirakoob  qaran  (National Census ) ee mudiniinta, waxaa la jaangooyaa tirada xildhibaanada ay yeelaneyso degmo iyo gobol kasta oo dalka ka mid ah.  Maadaama deegaano badan oo dlaka ma mid ah ay ku jiraan gacanta ururka Alshahab iyo maamulka Somalilandna oo sheegtay inuu gooni u go’ay, suuragal maahan in deegan  (Constinuency)  xildhibaan kasta laga soo doorto la saameeyo, waayo dalku waa kala xirxiran yahay.

Diiwaan Gelinta Codbixiyeyaasha: si doorasho xor iyo xaal ah ay u dhacdo waxaa lagama maarmaan ah in la diiwaangeliyo codbiyeyaasha ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Diiwaangelin ka dib qof kasta wuxuu xaq u yeelanayaa in la siiyo aqoon muujinayo inuu diiwaangashan yahay uuna awood u leeyahay inuu codeeyo.  Shaqada diiwaangelinta doorteyaashu waa mid aad u dhib badan oo u baahan waqti iyo dhaqaale badan. Marka loo fiirsada duruufaha ka jira Soomaaliya, waxaa lagu doodi karaa in dhamaan dadka jecel ama diyaarka u ah iney codkooda dhibtaan aaney heli doonin karaka aqoonsiga ee codbixinta. Waxaa keliya la yeeli karaa in tiro shacabka ka mid laga diiwaangeliyo meelaha la tegi karo.

Awood qeybsiga Beelaha:  Maadaama aan la tirakoobin dadka soomaaliyeed, waxaa khasab noqoneysa inaan laga guurin habka hadda lagu dhaqmo ee 4.5 kaasoo beeluhu waxa ku qeybsadaan. Tirinta dadweynuhu waxay lagama maarmaan ka dhigi lahayd in kuraasta baarlamaanka loo qeybiyo tirada dadweynaha ku nool degmooyinka iyo goboladda dalka. Maadaama doorashadu aaney bedelayn habkii beelaha ku dhisnaa, ma noqon karto mid buuxineysa shuruudaha tartanka furan ee demoqaraadiyadda.

Doorashada Saami Qeybsiga Metalaada

Noocan doorasho waxaa isticmaala dalal badan oo reer Yurub ah iyo wadamo kale oo badan, waana mid ku dhisan saami qeybsi  (Proportional Representation) iyo tartanka xisbiyada badan (muliti party system).  Noocaan doorasho waxay qeexaysaa:

  • Qaacida doorasheedka dalka: waxaa jira qaacidooyin badan oo loo adeegsado sida loo tiriyaana codadka dadweynihii doorashada ka qeyb galay iyo sida kuraasta baarlaanka ay u kala helayaan xisbiyada tartanka ka qeybgalay.
  • Qeybinta kuraasta: Sida kuraasta loogu qeybinaayo degmooyinka iyo deegaanada ay doorashadu ka dhacday, waa haddii doorashadu ay ku saleysan tahay Deegano, tusaale haddii degmadiiba loo qoondeeyo saddex (3) kursi, xisbiyadu waxay ku tartamayaan kuraasta xildhibaannada degmo kasta. Arrintaan in la hirgaliyo ma sahlana, waayo haddii la yiraahdo dowladda goboleed kasta ha laga dhigo degmo doorasho xildhibaanadii hore looga soo doortayna halaga soo doorto, xisbiyaduna ha u tartamaan, maxaa laga yeelayaa gobolada waqooyin ee doorashado aaney ka dhicin Karin?
  • Codbixinta iyo tirinta: Sida codbiyeyaashu ay u dhiibanaayaan codkooda una dooranayaan xisbiga iyo murashaxa ay doonayaan iyo dahfurnaanta habka codadkii la dhiibtay loo tirinaayo ayaa u baahan in si wanaagsan loo qeexo, haddii kale waxaa imaan karta muran horseeda qalalaase iyo degenaansho la’aan hor leh
  • Cabirka saamiga qeybsiga: waxaa lama huraan ah in la jaangooyo tirada ugu yar (Threshold) ee codadka uu xisbi ku heli karo kuraas/ xubno uga qeyb gala ama ku metela baarlamaanka. Haddii aan sidaan la yeelin waxaa soo bixi kara xisbiyo yaryar oo aad u fara badan kuwaas oo aan isku hadaf ahayn abuurina kara degenaansho la’aan siyaasadeed. 

Habka liiska Xiran ee Saami qeybsiga  baarlamaanka

Habkaani wuxuu fursada u siinyaa in xisbi kasta inuu soo bandhigga 275 murashax oo ku dhisan habka awood qeybsiga ee beelaha soomaaliyeed waayadan dambe wax ku qeybsanaayeen ama 4.5. Dadweynuhu waxay kala dooranayaan xisbiyada, iyagoo tixgelinaayo ajendaha, barnaamijka  iyo sumcadda/magaca dadka ku jira liiska murashaxiinta xildhibaannadda golaha shacabka.  Waxaa xusid mudan in sida Liiska ay ugu kala horeeyaan ay xisbiyadda mudnaanta u kala siiyaan murashaxiinta. Tusaale ahaan  haddii xisbi uu helo tiro codad saami ahaan u dhiganta 10 xildhibaan waxaa la siiyan toban qof ee ugu sareysa liiska xisbiga.

Fursadaha Liiska Xiran.

Habka metelaadda qeybsiga ee liiska xiran waxay leedahay faa’iidooyin badan, laakiin waxaan ka soo qaadaneynaa kuwo ugu waa weyn:

  • Korinta Awoodda Xisbigga: habka liiska xiran wuxu awood siinayaa Xisbiyada, wuxuuna xisbi kasta codbixiyeyaashu u soo bandhigayaa barnaamijkiisa uu wax kaga qabanayo dhibaatooyinka dhaqaale, bulsho iy siyaasadeed ee dalka ka jira.
  • Doorasho Dadweyne: Habka liiska xiran wuxuu sahlayaa in dalka inta la gaadhi karo laga qabto doorasho cod dadweyne. Waxaan tirada codka la helay loo qeybinayaa tirada guud ee baarlamaanka. Sidaas darted wuxuu yareynaa baahida loo qabi lahaa in laga codeeyo meelaha ay dowladdu talin sida goobaha ay Alshabab xukunto iyo deeganada ay soomaaliland ka maamusho.

Shaxdaan hoose ku qoran  ayaa muujineysa sida ay u dhici karaan

Tira codbixiyeshaaGoobta deeganka codbixintaXisbi 1Xisbi 2Xsibi 3Xisbi 4
250,000PSS12, 50050,000165,00022,500
250,000KGS65,72038,48045,000100,800
250,000JSS84,00072,00025,00069,000
250,000GSS29,000130,00042,00049,000
250,000HSS19500100,20075,30055,000
500,000Benadir125,000183,000144,00048,000
1,750,00006323,220573,680496,300344,300
%Kursi18%5133%9028%7820%54

Marka 275 loo qabiyo tira guud ee codadka la dhibtay oo ah 1,750,000 waxaa xildhibaankiiba dooraneysa qiyaastii 6364 qof.  Marka aad eegto shaxdan muujineysa sida xisbiyadu cod u heli karaan, waxaa kuu soo baxaysa in haddii sidaan oo kale dhacdo aan xisbina keligiis guuleysan Karin. Si loo helo in ka badan 50% waxaa lama huraan ah in xisbiyadda qaarkood dhistaan gaashaan buur.  Shaxda sare ku xusan kuma saleysna dasaarad la sameeyey iyo qiyaas xog-agaalnimo, lakiin waxaan u soo qaadanay keliya tusaale iyo inaan muujino nooca doorasho la qaatay natiijada ka soo bixi karta.

  • Xisbi weyn ama Isbahaysi: Liiska xiran wuxuu keenaa in dalka hogaamintiisa aaney u gacan gelin koox yar ama xisbi yar oo aan heli Karin taageerada shacabka.
  • Liiska xiran wuxuu suurgalinayaa in xildhibaannada lagu doorta xisbiga ay ka tirsan yihiin.
  • Qabyaalad Yaraan: Habkaani wuxuu yareynayaa saameynta qabiilku ku leeyahay doorashada xildhibaanka, maadama ay codbixiyaasha taageereen xisbiga iyo liiska uu soo gudbiyey keliya ee aaney dooran xildhibaankii meteli lahaa.
  • Musuqmaasuq Yaraan: Waxaa yaraanayo musuqmaasuqa loo adeegsado doorashada xildhibaannada baarlamaanka. Maadaama aan xildhibaanka loo codeyn waxaa yaraaneysa lacagtii lagu bixin jiray odaayasha iyo ergadii wax dooran jirtay.
  • Tartan: Habkaani wuxuu abuurayaa siyaasad xisbi oo ku saleysan tartan iyo waxqabad.
  • Fursadda dadka awood badan yahay: Habkaan Waxaa uu fursad siinayaa dadka ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay, haweenka iyo naafadda, maadama xisbi loo codeynaayo ee aan qof loo codeyneyn
  • Fursad Xisbiyadda Yaryar: Wuxuu fursad siinayaa xisbiyada yar-yar ay ku heli karaan xubno metela barnaamijkooda siyaasadeed.

Ciladaha Liiska xiran

Liiska xiran wuxuu leeyahay cilado badan oo ka badan fursadihiisa. Waxaan ku soo koobi karnaa Ciladaha liiska xiran:

  • Awoooda xisbiyadda: hanaankaani wuxu xoojinayaa awoodaha xisbiyadu ay ku magacaaban karaan qofka doonaan, kaas oo laga yaabo inaanu cod heleen haddii murashaxiinta xisbigu soo bandhigay
  • Xiriir liita: wuxuu daciifinayaa xiriirka ka dhexeeya xildhibaanka iyo codbixiyaasha, waayo doorteyaashu codkooda ma siinayaan xildhibaanka ku qoran liiska xisbiga
  • Awoodda hogaamiyaha xisbiga: wuxuu kor u qaadayaa awoodda hogaamiyaasha xisbiyadda,wuxuuna fursad u siinayaa inay xildhibaan ka dhigaan qofka ay doonayaan
  • Dhaqan nacamleyn ah: waxaa aad badaneysa nacamleeya iyo u dhago nuglaanta hogaamiyaha xisbiga iyo eexda loo sameeyo kuwo muujiya inay xisbiga iyo hogaamiyaha
  • Xisbiyo tiro badan: wuxuu soo baxaya xisbiyo fara badan oo midkoodna aanu haysan tirade laga rabay ee uu ku heli lahaa aqlabiyad.
  • Gorgortan degenaasho la’aan siyaasadeed: Maadaama ay jiraan xisbiyo yar yar oo fara waxaa adkaaneysa in dowladda si sahlan loo dhiso, waxaan lagu mashquulaa sidii isbahaysi loo dhisilahaa, taasi waqti badan ayey dowladda ka lumisaa.
  • Dowladda Isbahaysi : Waxaa sameys ma xisbiyo isbahaystay oo sidaa dowlad ku dhisan. Haddii xisbiyaddii isbahaysiga ahaa midkood ka baxo heshiiskii ay hore u wada galeen xisbiyaddu waxaa laga in dowladdu weydo aqlabiyadda baarlamaanka kadibna ay halkaa ku dhacdo.  Dalka Talyaaniga ayaa ah tusaalaha ugu fiican ee ishahaysiga xisbiyada iyo degenaasho la’aanta siyaaseed ee ay keenaan.
  • Daryeel la’aan bulsho: maadaama xildhibaanka aan cod lagu soo dooran ee xisbi uun loo codeeyey, xildhibaanku kama shaqeeyo danaha iyo mudnaanta bulshada deegaankii ku metelaayey.
  • Xisbiyo Xagjir ah: waxaa dhici karta in xisbiyo aaminsan aragti siyaasadeed khatar ah ay codad badan helaan sidaasna ay xubno ku yeeshaan baarlamaanka, markaa ka dib ay helaan fursado ay ku abuuri karaan qalalaaso siyaasadeed.

Gunaanad

Nooca doorasho ee saami-qeysbiga metelaada baarlaanku waxaa lagu tilmaami karaan kan ugu haboon ee looga gudbi karo xiligaan iyo duruufaha dalka ka jira. Waa muhiim in la ogaado in nooca doorasho laga wanaagsan yahay haddii dalka duruufaha ka jira maanta laga gudbo. Nooca doorashadaan waxay fursad kooban siineysaa dadweynaha soomaaliyeed oo intooda badan aan weligood codkooda dhiiban, waxayna dalka abuuraysaa jawi horseedi ka tartan xisbiyo iyo demoqaraadiyad ka hirgasho Soomaaliya.

W/Q: Dr Cabdullahi Maxamed Xersi (Qorax)

Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax) waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka Kenya

Email: abdullahi.qorah@gmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid