FASHIL: DFS oo hurineysa COLAADO cusub iyo maleeshiyaad loo diiwaan galinaayo colaaddaasi

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa lagu eedeeyay inay colaad ka abuureyso deegaano hoostaga Gobollada dhexe ee dalka.

Cabdinuur Max’ed oo ka tirsan Saraakiisha Maamulka Gobollada dhexe ayaa sheegay in Dowladu ay hurineyso colaado ka dhaca deegaano dhowr ah oo hoostaga Gobolka waxa uuna tilmaamay in talaabadaasi ay horseedi karto dagaal aan waligii joogsan.

Waxa uu Sargaalkaasi sheegay in iminka ay wadaan qorshooyin ay ku daminayaan colaada taagan, balse dowladu ay maslaxo u aragto in deegaanadaasi ay ka dhacaan colaado dhiig badan uu ku daato.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada ay dhaqaale ku bixinayaan colaadaha halkaasi ka taagan, wuxuuna carabka ku dhuftay inay qorayaan maleeshiyaad hor leh, si aysan u istaagin colaada.

Cabdinuur Max’ed ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Tashwiis lagu dhex furayo Ciidamadooda si loo kala dhantaallo awoodooda.

Sarkaalkaan ka tirsan Maamulka Gobollada dhexe ayaan sheegin magacyada mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ka tirsan ee uu ku eedeeyay in Maleeshiyaad ay ka abuurayaan deegaanada Maamulka Gobollada dhexe.

Tallaabadaani ayaa qeyb ka ah burburka ay xubnaha qaabka qabiil u dhisan ee ku jira Dowlada ku hayaan dalka gaar ahaan Gobollada dhexe.

Dhanka kale, Gobollada Dhexe ee dalka ayaa waxaa ku kala sugan maamullo kala duwan sida Galmudug , kan Gobollada dhexe iyo Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com