Gaadiid DAGAAL oo saakay lagu arkay xadka Somalia iyo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa ciidamo aad u farabada kusoo daadisay xuduuda Kenya la wadaagto Somalia kuwaasi oo baadi-goob xoogan ugu jira 3 Sargaal oo la sheegay inay ku lumeen weerarkii ka dhacay duleedka Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ciidamada wata gaadiidka dagaal ee baadi-goobka wada ayaa tirro ahaan kor u dhaafaya ilaa 100 Askari waxa ayna sidoo kale ciidamadu kaashanayaan xiriiro kala duwan oo ay ka heleen Saraakiisha la la’ yahay.

Ciidamada ayaa gabi ahaan xiray xuduudka waxa ayna Radiyaha gacanka oo ay adeegsadaan ciidamada ku baadi-goobayaan Saraakiisha maqan.

Mid kamid ah Saraakiisha ayaa wata Raadiyaha inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in hal Sargaal ay dagaalka ku kaxeysteen maleeshiyada Al-shabaab.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa beegsaday gaari ciidan oo galbinaayay bas siday rakaab, waxaana uu weerarku ka dhacay deegaanka Dimu oo ku yaala inta u dhaxeysa Degmada Mandheera iyo deegaanka Ceelwaaq Kenya.

Dhanka kale, Saraakiisha la la’yahay, ayaan nolol iyo geeri midna lagu hayn, waxaana ciidamadaani baadi-goobka wada halkaasi lagu daadiyay habeenimadii xalay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com