GALMUDUG oo qabsatay deegaanno hor leh..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Galmudug oo watay gaadiid dagaal ayaa si buuxda ula wareegay deegaano hoostaga Degmada Xarardheere ee Gobolkaasi.

Deegaanada ay Ciidamada Galmudug la wareegeen ayaa waxaa kamid ah deegaanka Hanra iyo qosol tire waxa ayna iminka kaabiga ku hayaan deegaano kale.

Deegaanada ay la wareegen Ciidamada ayaa waxaa horay gacanta ugu heyn jiray Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana guushaasi suuragaliyay shacabka ku noolaa deegaanadaasi oo iyagu Al-shabaab u arkay inay yihiin kuwo arxan daran.

Ciidamada Galmudug ayaa iminka bilaabay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku baacsanayaan Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Ahlusuna wal-jameeca, waxa ayna dhaqdhaqaaqyadaasi yihiin kuwo laga dareemaayo dhamaan deegaanada hoostaga Maamulka.

Ma cadda natiijooyinka ay Galmudug ka gaari doonto guluf colaadeedka ay kula jirto Al-shabaab iyo Ahlusunna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com