Puntland: Geeridu naguma ekaan doonto ee aargoosi baa jiraya

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay u aargudi doonaan dadkii ku geeriyooday weeraradii is xigxigay ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland.

Maamulku waxa uu sheegay in geeridu ay tahay xaq balse aysan aaminsaneyn in Al-shabaab ay dilaan dad shacab ah, waxa uuna sidoo kale maamulka cadeeyay in waxba aysan u arag haddii ay Al-shabaab iska celin lahaayen ciidamada maamulka, hayeeshee aysan ka kaftami doonin dhibaato loo geysto dadka shacabka.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland G/Sare C/waaxid Cabdulle Warsame ayaa sheegay inaysan ka aamusi doonin wixii shalay ka dhacay Gaalkacyo.

C/waaxid, waxa uu sheegay in go’aanka Puntland uu yahay aargoosi ka dhan ah Al-shabaab waxa uuna ku baaqay in Al-shabaab ay u diyaar garowdo weerar ka dhan ah.

Wuxuu sheegay in Puntland aysan waxba u arki doonin weerarkii ka dhacay Gaalkacyo sidoo kelana ay bilaabi doonaan qorshe Shabaab looga aar gudanayo maadaama shacab iyo Mas’uuliyiin badan ay uga dhinteen weerarkii Gaalkacyo oo ay Mas’uuliyadiisa sheegteen Shabaab.

Geesta kale, waxa uu shacabka Mudug ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka amniga si looga hortago loogana guuleysto weerarada Shabaab mararka qaar ay ka geystaan gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com