Al-Shabaab oo ka hadlay khilaafka ka dhex jira.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii Alshabaab ee Shabeelaha Hoose oo maalmahaan la hadal hayay inuu ku dhintay duqeyn diyaaradaha dagaalka ka geysteen Shabeelaha Hoose, ayaa kasoo muuqday xaflad Alshabaab ku qabteen Shabeelaha Hoose.

Maxamed Abuu Cabdalla, oo Alshabaab u qaabilsan Shabeelaha Hoose ayaa soo saaray hanjabaad uu u jeedinayo dadka doonaya iney ku biiraan daacish ee ka mid ah ururka Alshabaab.

“Cid waliba iyo cidii ku xadgudubta midnimadeena ama dooneysa in safka Mujaahidiinta ay inshiqaaq ku dhex sameyso, Wallaahi halfar baan ka nahay, waana iska celineynaa InshaAllaahu Tacaalaa,”ayuu yiri Abuu Cabdalle.

Wakiilka Alshabaab ee Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Alshabaabka taageersan dhanka Al-qaacida in laga sii mid ahaado ay ka midoobeen iney dileen shaqsi kasta oo doonaya inuu Daacish ku biiro.

“Arintaasna waa go’aan cad oo Mujaahidiintu ay gaareen, Midnimada iyo Raayada Mujaahidiintu maanta waa hal, Hal Amiir ayeyna leeyihiin, Qof waliba oo doonaya in uu kala jabiyana wallaahi ka yeeli meyno” Ayuu yiri Sh. Abuu Cabdallah.

Alshabaab waxaa haatan ka dhex taagan kala fikir duwanaansho sababtay iney dhexdooda iska dilaan saraakiil Alshabaab magac ku laheyd oo uu ugu dambeeyay sarkaal iyo afar ciidan oo la socotay oo lagu dilay deegaanka Guduudow ee Jubbada Dhexe.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com