“Haddii musuqa la sheegay la igu soo caddeeyo xilka aan dowladda u hayo ayaan iska casilaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday Dowlada Kenya ayaa waxaa lagu beeniyay haddal dhawaan lagu baahiyay Warbaahinta caalamka taasi oo muujineysa in Kenya ay ka macaashto Dhuxusha iyo Sonkorta laga raro Dekada Kismaayo.

Daniel Bartonjo oo ka mid Saraakiisha ciidamada Kenya ee ka howlgala magaalada Kismaayo ayaa sheegay in warbixinta dhawaan ka soo baxday Kooxda dabagalka caalamiga QM ee Somalia ay tahay mid been abuur ah islamarkaana ujeedka laga leeyahay ay tahay in lagu fadeexeeyso miisaanka Saraakiisha iyo Ciidamada Kenya ay ku dhex leeyihiin Howlgalada ka socda Somalia.

Daniel Bartonjo waxa uu sheegay in QM aysan laheyn khubaro si dhab ah uga runsheega xaqiiqda ka jirta Somalia, waxa uuna beeniyay in arrinka lagu eedeeyay Kenya uu yahay mid waxkama jiraan ah.
Daniel Bartonjo waxa uu sheegay inuu qeyb ka yahay Saraakiisha lagu eedeeyay falkaasi musuq-maasuqa ah, waxa uuna carabka ku adkeeyay in waligii uusan ka macaashin badeeco laga soo dajiyay Dekada Kismaayo oo loo raray dalka Kenya.

Wuxuu soo hadal qaaday in faafinta warbixinadaasi ay kaalin ka qaaten Ganacsato Soomaaliyeed oo uu sheegay inay dhaliil ka qabaan nidaamka lagu koontaroolaayo Badeecada laga raro Dekada Kismaayo.

”Dhuxul kama dhoofino Kismaayo, waxaan dhaliilsanahay qaabka borobagaandada nalooga faafinaayo”

”Haddii aniga leygu helo cadeyn waxaan diyaar u ahay inaan iska casilo darajada iyo xilka aan u hayo Dowlada Kenya. waayo waxaan aaminsanahay in shaqsiyadeydu ay tahay mid ka madax-banaan musuqa laga faafiyay Kenya”

Haddalka Daniel Bartonjo ayaa kusoo beegmaaya xili Kooxda dabagalka ee QM ay sheegtay in ciidamada Kenya iyo kuwa Al-shabaab ay lacago badan ka helaan ganacsigaasi sharci darrada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com