Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo si sahlan naftiisa ku waayay kadib markii uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay Horjoogihii maleeshiyaadka Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka Ceel Garas ee gobolka Galgaduud.

Horjoogahaani ayaa waxaa la sheegay inuu dilay mid kamid ahaa ciidamada dowlada balse markii danbe ka baxay dowlada.

Askarigii dilay Guddoomiyaha ayaa mudooyinkii danbe ahaa nin iskiisa isaga ganacsado waxaana la tilmaamay inay is khilaafen sidaan uu ku dilay.

Horjoogaha maleeshiyada laga dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Faarax Cali Raage, waxa uuna deegaankaasi maleeshiyada Mas’uul uga ahaa muddo farabadan.

Dilka waxa uu imaaday kadib markii Horjoogaha uu ruuxaasi ku amray inuu kusoo biiro Al-shabaab waxaana diiday ruuxa dilka geystay oo markii danbe ku dhiiraday inuu dilo Horjoogaha.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa iminka baadi goob ugu jira ninkii ka danbeeyay dilka Horjoogahooda deegaanka Ceel Garas ee gobolka Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com