INGIRIIS: Kacdoon shacab ayaa lagu dhallin karaa dowlad dhab ah

Dr Maxamed Xaaji Ingiriis oo howlo cilmibaaris ah u jooga dalka Nigeria ayaa baaq u diray bulshada Soomaaliyeed meel ay joogto. Baaqiisa ayuu ku billaabay sidatan:

Walaalayaal,

Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed wey hadleen, dhawaaqoodiina kor ayay u qaadeen (daawada Sheekh Nuur Baaruud). Hooyooyinkii Soomaaliyeed wey hadleen, dhawaaqoodiina kor ayay u qaadeen (fiiriya Caasha Shaacuur Ugaas). Abwaannada Soomaaliyeed wey hadleen, dhawaaqoodiina kor ayay u qaadeen (daawada Maki Xaaji Banaadir iyo Sangub). Dhallinyarada Soomaaliyeed wey hadleen, dhawaaqoodiina kor ayay u qaadeen (fiiriya dhallinta cusub ee SYL 2). Aaway codka kuwii sheegan jiray aqoonyahannada Soomaaliyeed? Waxaa la yaab leh in kuwa sheeganaya ‘borofasoorro’ ay caddaalad-darrada, cagajugleynta iyo cabburiska u cudurdaarayaan oo ay raalli ku yihiin musuqmaasuqa iyo maladministration-ka jira. Qofku mar hadduusan damiir lahayn oo daneyste yahay, waxay walaal yihiin kan kale ee daneystaha ah ee aan damiirka lahayn. Waxa dalkeenna looga saari la’ yahay burburka waa inay ummadda hoggaan u noqdeen kuwo daneystaal ah oo aan damiir lahayn oo marka ay lacag iyo laaluush helaan ku soo jeesta hablaha yar yar oo ay habeen walba ku kufsanayaan hoteellada Xamar (abuse of power). Marka aad kula doodo hoteellada dhexdooda, waxay si indha-adeyg ah kuu leeyihiin sexy and state power kalama haraan. Bal Ilaaheey baan idinkugu dhaarshee, hadalkaas ka warrama? Aaway mas’uuliyaddii ka saarnayd inay hablaha carruurta ah ee ka soo jeeda qoysaska danyarta ah xanaaneeyaan?

photoHaddaba, annagu cid aan sugayno ma jirto. Waxaan ku baaqaynaa one million march in Mogadishu. Waxaan ciyaaraynaa doorkii Martin Luther King. Dadweynaha waxaan kala hadleynaa idaacadaha inay soo baxaan oo qoys kasta oo Xamar ku nool uu istaago gurigiisa hortiisa. Waxaa diyaar ah oo aan hoggaaminaynaa ardayda, xoogsatada, xamaaliga, hooyooyinka, dhallinyarada, carruurta iyo qaybaha bulshada ee gaajada u baa ba’ay, waxaana ku ballamaynaa Daljirka Dahsoon oo noo noqonaya Taxriir Square, kaddibna waxaan ku dhaqaajinaynaa Villa Somalia. Waxay ilaalada Xasan Shiikh oo uu madax u yahay ina Ibraahin Shiikh Muxiddiin ay naga dili doonaan ugu yaraan kun qofood ama ugu badnaan toban kun, laakiin waxaan xoog ku galaynaa xafiiska uu fadhiyo. Taariikhdaasu waxay la mid noqon doontaa tii Tiananmen Square ee 1989-kii ka dhacday Magaalada Beijing ee dalka China. Bal aan aragno intey shacabka laayaan inay meesha sii fadhin karaan. Ha ogaadaan kuwo iyaga ka awood badan in lagu ceyriyey maalmo gudahood caalamka daafihiisa. Shacabka Soomaaliyeed oo kaca oo qabyaaladda meel iska dhiga, ma jirto cid celin karta. Ciidanka AMISOM ee waardiyeeya Villa Somalia, waxaan u qori doonnaa qoraal aan ugu sheegeyno inaan nahay The Somali Nationalist Forces oo aanan iyaga u socon ee aan u soconno inaan badbaadinno dadkeenna iyo dalkeenna.

Markii ay kala cararaan shuftada fadhisa Villa Somalia, waxaan ku dhawaaqeynaa in Mudane Abukar Cabdow Carmaan uu soo galo dalka oo uu madax ka noqdo waddanka inta laga qabanqaabinayo doorashooyin (sidii Aayatullaahi Khumeyni uu uga yimid magaalada Paris markii lagu guuleystay kacdoonkii Iran sannadkii 1979-kii). Waxaan isla markiiba wada-xaajood la furaynaa AMISOM sidii ay dalka uga bixi lahaayeen. Uma baahnin AMISOM iyo ciidammada shisheeye ee gabdhaheenna fara-xumeynaya, kana dhalay ilmaha aan aabbaha lahayn. Waxaan u baahannahay shacabka Soomaaliyeed meel uu joogo oo xoog u noqda kacdoonka, sidii toban sano ka hor ay xoog ugu noqdeen nimankii maxkamadaha ahaa. Kaddib, wada xaajood ayaan la fureynaa Xarakaat Al-Shabaab Al-Mujaahidiin. Wixii nala heshiin waaya, shacabka ayaan ku dhaqaajinaynaa. Markaan ka adkaanno, waxaan u dhaqaaqeynaa inaan sidii taalladii Saddaam Xuseen u burburinno maamul goboleedyada qabiiliga ah ee beenta ah ee dalka lagu kala qoqobay.

Ilaahey idankii, waddanka oo xoreysan ayay qurbajoogtu dib ugu soo noqon doonaan ee maanta keliya codkiina kor u qaada. Wax kale idinka dooni mayno ee codkiina nagula baraarujiya dadweynaha.Soomaaliyeed ee qabiil qabiilka lagu kala xiray. Qorshihii aan ku shaqeyn lahayn ee waddanka lagu dejin lahaa, laguna hagaajin lahaa waa qoran yahay, wuxuuna ka kooban yahay 170 bog, bulshada caalamka iyo wadammada daneeya Soomaaliya waxaa loo qaybin doonaa nuqullo. Qaabkii nabadda loo sugi lahaa, dib u heshiisiinna loo billaabi lahaa waa qoran tahay iyo meeshii wax laga billaabi lahaa. Wax bililiqo ah ma dhici doonto oo shacabka ayaa loo abaabulayaa raxan raxan (sidii ka dhacday Addis Ababa bishii May 1991-kii), iyagaana difaaci doona hoteellada, bankiyada iyo meelaha halbowlayaasha ah, waayo waxaa la dareensiinayaa inay iyaga iska leeyihiin ee aysan shuftadu lahayn. Waxaan ku baaqeynaa in kacdoonku yahay kacdoon Soomaaliyeed oo qof kasta u furan, uuna wax ku leeyahay. Cid cidda kale ka xigsan karta ma jirto. Soomaali meel uu joogo Soomaaliga kale waa ku dhiig iyo dheecaan. Farriinteennu waa taas.

Ogaada markii ay SYL dhalatay Dagaalkii Labaad ee Dunida (War World II), dad badan ma aaminsanayn inay guuleysanayaan, waana guuleysteen. Maanta waa sidii oo kale. Maxkamadihii Islaamiga la isma lahayn, waa guuleysanayaan, waana guuleysteen. Annaga waxaa na hor istaagi kara oo keliya Itoobiya, Turkiga, Imaaraadka iyo AMISOM. Baaq waxaan u direynaa Imaaraadka iyo Turkiga oo isku dayi doona inay hor istaagaan kacdoonka shacabka, gacanna siiyaan shuftada. Imaaraadka iyo Turkigu waa inay joojiyaan fara-gelinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Beesha caalamka, waan la socodsiinaynaa in kacdoon dadweyne laga qabanqaabinayo Xamar ee aysan fara-gashan ummad u kacaysa badbaadinta dadkooda iyo dalkooda.

Waad mahadsan tihiin dhammaantiin intii codkiina ku biirisay dib u xoreynta dadka iyo dalka. Ogaada, waddanka baa ba’ay laguma soo celin karo tartan lala galo Xasan Shiikh oo wixii uu lacag iyo laaluush uu urursan karo uruursaday afartii sano ee la soo dhaafay. Baarlamaan intiisa badan uu gacantiisa ku qortay ayaa u soo bixi doona, waxayna u codeyn doonaan kan siiya laaluushka u badan (the highest bidder). Waa in hoosta laga xarriiqaa in Xasan Shiikh uu xilka kaga egyahay 10-ka bisha September. Wixii maalintaas ka dambeeya, ogaada waa madaxweynihii hore, dowladduna waa dowladdii hore. Ha u aqoonsanina madaxweyne. Wuxuu noqonayaa ninkii u horreeyey ee xil kordhisa taariikhda siyaasadeed ee dalka. Wax sharci ah (legality) iyo sharciyad ah (legitimacy) oo uu u yeelanayo inuu madaxweyne ahaado ma jirayso. Subaxa 11-ka September, dalku wuxuu galayaa marxalad vacuum ah oo aysan dowlad sharci ah ka jirin. Taas ogaada. Waqtiga aan ku beegeyno kacdoonka annagaa iclaamin doona, haddii Alle idmo.

Soomaaliya ha noolaato.

W/Q: Maxamed Xaaji Ingiriis

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com