IRAN oo shaacisay in 18 qof oo u dhashay dalkaas ay haystaan Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Iraan ayaa markii ugu horeysay baahisay macluumaadka 18 qof oo u dhashay dalkeeda kuwaa oo lagu heysto gudaha Somalia.

Dowlada Iran ayaa tilmaantay in muwaadiniintaasi ay gacanta ugu jiran Xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab.

Mudane ka tirsan Baarlamaanka IIraan oo arrintan ka bixinaayay macluumaad dheeri ah ayaa sheeagay in 14 ka mid ah muwaadiniintooda ay heystaan Al-Shabab, halka tirada kale ay gacanta ugu jiraan burcad-badeeda Somalia.

Waxa uu tilmaamay in qaarkood loo geystay dhibaatooyin uu ugu horeeyo Jirdil, balse waxa uu cadeeyay in Iran ay aad uga xun tahay in muwaadiniinteeda lagu waxyeeleeyo gudaha Somalia.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Abdulqafur Iranejad, ayaa xaqiijiyey afduubkaas,waxaana uu sheegay in xiligaan ay socdaan dadaallo ku aadan sidii lagu sii deyn lahaa.

Raggan ayuu Xildhibaanka sheegay in ay kalluumeysato yihiin,kuwaas oo laga qafaashay xeebaha Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in Wasaaradda arrimaha dibadda Iraan iyo hay’adda Sirdoonka dalkaas ay ku guuleysteen siideynta 4 Qof oo horay loo sii daayay 18 kalena ay wali ku jiraan Gacamaha Al-shabaab iyo Burcad Badeedda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa ku goodisay inay awood kusoo furan doonto muwaadiniintooda ku jira gacanta Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com