Kheyre oo soo saaray digniin ku saabsan weerarkii Shabaab ay ka geysteen Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay dhagarta ay maleeshiyaadka Al-shabaab u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaaraha ayaa tilmaamay in ujeedka Maleeshiyaadka Al-shabaab uu yahay inay dhabar jabiyaan amniga iyo xasiloonida ka curatay Somalia, waxa uuna ku baaqay in shacabka ay la shaqeeyan ciidamada amaanka.

Kheyre waxa uu dadka shacabka ah uga digay inay magangalyo siiyan maleeshiyaadka Al-shabaab oo uu sheegay inay yihiin kuwo ay ka go’an tahay inay cuuryaamiyaan horumarka dalka.

Waxa uu cadeeyay in dowlada Somalia ay gacan bira ku qaban doonto cidii lagu helaa martigalinta Al-shabaab waxa uuna taa bedelkeeda ku baaqay in laga wada shaqeeyo amniga iyo xasiloonida.

”Ma dooneyno inaan dhibaateyno shacabkeena waxanse cadeynayaa in cidii lagu arkaa iyadoo la shaqeyneysa al-shabaab ama marti galineysa ay mari doonto sharciga”

Sidoo kale, Kheyre waxa uu ciidamada amaanka ugu hambalyeeyay sida daacadnimada ah oo ay ugu adeegayaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku baaqay in si dhow loola shaqeeyo dadka shacabka ah.

Haddalka Kheyre ayaa kusoo beegmaaya xili maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar ismiidaamin ah ku qaaden Maqaayada Pizza House iyo Hoteel Posh oo iska soo horjeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com