Kunteenaro hub ah oo lagu qabtay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararka ku heleyno waxaa Dekada weyn ee magaalada Muqdisho lagu qabtay Kunteenaro ay ku jireen Hub iyo darees ciidan.

Kunteenarada ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada amaanka ee qaabilsan Dekada kuwaasi oo hakiyay qorsho la doonaayay in Kunteenarada looga daabulo Hubka iyo dareeskii ku jiray.

Saraakiisha amaanka ee ka howlgasha Dekada ayaa sheegay in Hubka iyo Dareeska ay lasoo dageen ganacsato Soomaaliyeed kuwaasi oo doonaayay inay u iibgeeyan Gobolada dalka gaar ahaan kuwa ay dhaqdhaqaaqa kawadaan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamada amaanka ayaa xabsiga dhigay Ganacsato iyo dhalinyaro kale kuwaasi oo sheeda kala socday agabka ku jiray kunteenarka.

Laamaha amaanka DFS ayaa aaminsan in Hubka iyo Dareeska ay u socdeen maleeshiyaadka Al-shabaab kuwaasi oo iminka laba garab u kala jabay islamarkaana ay lasoo daristay dhaqaale dari.

Dhanka kale, waxaa socda baaritaano la xiriira halka Hubka iyo Dareeska loo waday mana jira warar rasmi ah oo kasoo baxaaya laamaha amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com