Laba ergadii xildhibaanada soo xulay ah oo hal meel lagu toogtay + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay Laba ka mid ah Ergadii soo xushay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Ergadan la khaarijiyay oo midi ay haweeney aheyd  ayaa lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dilka Ergada ayaa waxaa fuliyay maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado oo la socday mootada loo yaqaano (Vikon) waxa ayna dilka koowaad xaafada Ceel Qode ugu geysteen Xasan Caalin.

Maleeshiyaadkan ayaa dilka Xasan Caalin kadib u soo talaabtay xaafada Daahisooy, halkaasi oo ay ku dileen Aamino Mayow, labadan ruux waxaa si gaar ah loogu dilay meel aan ka fogeyn guryahooda, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoog ahaa.

Labada marxuum ayaa Xildhibaanada ku soo doortay degaanada Koonfur Galbeed waxaana lasoo sheegayaa in maalmihii ugu dbeysay loo diraayay fariimo hanjabaado ah.

Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale labada ruux ka toogtay qeybta sare ee jirka, kadibna goobta ka baxsaday, sida ay ku warameen goobjoogayaal.

Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyada Al Shabaab ayaa dilalka ugu badan u geysta Ergooyinka soo xulay Xildhibaanada waxaana loo sababeynayaa inay diideen lacago lagu xujeeyay bixinteeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com