Liiska qaraxyada Xamar ka dhacay bishii September iyo dadka lala beegsaday.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bishii September 2018 ee aanu soo dhaafnay magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxyo kooban markii la eego Qaraxyadii dhacay bilihii kasii horeeyay.

Qaraxyada dhacay bishii September ee lasoo dhaafay ayaa u badnaa Qaraxyo miino iyo kuwo loo adeegsaday Gawaari Ismiidaamin ah oo siyaabo kala duwan uga dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

Qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho ee aanu diiwaan galinay ayaa tirro ahaan ah 15 Qarax oo mid weliba uu ka dhashay khasaaro xoogan.

HOO KA AKHRISO QARAXYADA IYO XILIYADA AY DHACEEN

1- Sep 1, 2018, Qarax lagu xiray Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Nuur Aduunyo ee degmada Dharkeenley, waxaana ku dhaawacantay laba Askari. Gaariga ayaa waxaa lahaa Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle.

2- Sep 1, 2018, maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa Bam gacmeed ku weerartay Xarunta Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir, waxaana ku dhawacmay hal askari.

3-Sep 2, 2018,Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa waxaa lagu weeraray Xarunta Degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir, waxaana ku dhintay 5 ruux.

4-Sep, 3, 2018, Qarax lagu xiray gaari ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Ex-Contorool Muqdisho, ayaa waxaa ka dhashay dhaawaca hal qof oo kaliya oo ahaa ruuxii watay gaariga la bartilmaameedsaday.

5-Sep, 9, 2018, Qarax lagu soo qariyay Gaari gacan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Siinaay ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan Suuqa Khudaarta waxaana ku dhawacmay laba Askari.

6- Sep 10, 2018, Qarax gaari loo adeegsaday ayaa waxaa lagu weeraray xarunta Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana ku dhintay ku dhawaad Lix ruux.

7- Sep 14, 2018, Qarax lagu soo xiray Gaari Gacan ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa bakaaraha degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xawaalada Amal.

8-Sep, 14 2018, Qarax lagu soo xiray Gaari ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, kaa oo loogu xiray laba wiil oo midi uu ahaa milkiile leh mid kamid ah Garoomada casriga ee lagu cayaaro xiliyada habbeenkii.

9-Sep, 15, 2018, Qarax lagu xiray gaari Hilux ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka xarunta Tiyaatarka Muqdisho waxaana ku dhawacmay Xildhibaan lagu magacaabo Maxamed Mursal Maxamuud oo loo yaqaano (Boorow)

10- Sep 22, 2018, Qarax gaari lagu xiray ayaa waxa uu ka dhacay Isgooska dabka ee magaalada Muqdisho waxaana ku dhintay Cumar Sheekh Caamir.

11- Sep 22, 2018, Qarax lagu xiray Gaari raaxo ayaa waxa uu ka dhacay afafka hore ee Hoteel Cali Car oo ku dhow isgooyska dabka ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhinaca Degmada Hodan, mana geysan wax khasaaro ah.


12-Sep 23, 2018, Dhalinyaro ku hubeysnaa Bam gacmeedyo ayaa weerar Bam baano ka geystay Isgooska Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho xili ay halkaa ku sugnaayen ciidamo ka tirsan Booliska.

13-Sep 23, 2018, Wiil ku hubeysnaa Bam ayaa weerar ku qaaday Gaari dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowlada gaar ahaan kuwa Booliska xili halkaa ay kawadeen howlgal.

14- Sep 25, 2018, Qarax miino ayaa waxa uu ka dhacay bar kontorool oo ku taala isgooska Ex-control Afgooye ee Muqdisho, waxaana ku dhintay Hal askari.

15- Sep 27, 2018, Dhalinyaro ku hubeysneyd Bam gacmeedyo ayaa weerar Bambaano ku qaaday ciidamo ka tirsanaa Booliska oo Miino ka saarayay Isgooska Suuqa-Bakaaraha.

Qaraxyada ka dhacay Muqdisho Bishii September ee lasoo dhaafay ayaa aad uga yar Qaraxyadii dhacay bilihii hore ee tagay waxaana muuqaneysa in hoos u dhac uu ku imaanayo Qaraxyadii badnaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com