Nuxurka waxyaabihii ay ka hadleen Madaxweyne Xasan iyo Ban Ki-moon

Addis Ababa (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kula kulmay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ban Ki-moon ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee QM ay ka wadahadleen Isbadalada ka dhacay Soomaaliya.

Ban Ki-moon ayaa ugu horreyn u mahadceliyay madaxweynaha iyo xukuumada Soomaaliya, isagoona shaaca ka qaaday baahida loo qabo taageero dheeraad ah oo loo fidiyo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, si looga guuleesto Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay xukuumada Soomaaliya in ay dardar galiso hoggaanka siyaasadda isla markaaan wadahadal iyo wadashaqeyn ay la yeelato Puntland iyo Somaliland.

Xoghayaha guud ee QM ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in hoos loo eego xuquuqda aadana gaar ahaan kufsiga haweenka iyo ku xadgudubka xuquuqda carruurta.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in madaxweynaha iyo xoghayaha QM ay ka wadahadleen mustaqbalka joogitaanka hey’addaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo la rabo in la kordhiyo.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in loo baahan yahay in si joogta ah u wadashaqeeyaan hey’addaha kala duwan ee hoos yimaada QM si natiijo wanaagsan loo gaaro.

Labada masuul ayaa isla meel dhigay in arrimaha mudnaanta leh ay yihiin kuwa nabaglyada, garsoorka iyo maamulka dad waynaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa