Mahad C/raxman “Ciidamo badan ayaa loo diyaariyay Baay”

Saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolada Baay iyo Bakool ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo badan kuwaasi oo la wareegaya fariisimaha ciidmada Alshabaab ku leeyihiin goboladaasi.

Taliyaha ciidamada dowlada ee gobolka Baay Mahad C/raxmaan,oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ciidamo tababar ku qaatay degmooyinka gobolka Baay la diyaariyay si ay dagaal u qaadaan.

Ciidamadaasi ayuu sheegay in dagaalka ku ekeyn doonaan dhamaan deegaanada Alshabaab kaga sugan yihiin deegaanada gobolada baay iyo bakool.

Alshabaab waxaa laga saaray deegaano dhowr ah oo ku yaala gobolada Dalka waxaana ay umuuqdaan kuwo luminayo magaalooyin Muhiim ah.

Mahad C/raxmaan ayaa sheegay in dhawaan Alshabaab laga wada saari doono guud ahaan deegaanada gobolada Baay iyo bakool sida uu hadalka u dhigay taliyaha ciidamada dowlada ee Baay.