Mas’uul ka tirsan DF oo musuq maasuq loo xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia ayaa xabsi dhigay Sargaal ka tirsanaa Ciidamada Militeriga Dowlada Federaalka.

Sargaalkaasi ayaa lagu qabtay Howlgal ay sameeyen Ciidamada NISA kaasi oo ka ganacsan jiray Dareeska Ciidamada Militeriga iyo Hubka fudud.

Sargaalkaasi ayaa waxaa lagu qabtay xero ciidan oo ku taalla agagaarka Xaruntii hore ee Taliska Ciiddanka Badda ee Mariino Degmadda Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Sargaalka la xiray ayaa waxaa lala qabtay shaqsiyaad shacab ah oo ka hoos shaqeyneysay, waxaana lagu helay kiisas badan oo muujinaaya in maleeshiyaadka Al-shabaab uu si qarsoodi ah uga iibin jiray dharka loo keeno Ciidamada Militeriga.

Saraakiisha NISA ee howlgalkaasi hogaamineysay ma aysan sheegin magaca iyo da’da Sargaalkaasi waxa ayna taasi bedelkeeda sheegen in gudaha asbuucaani ay warbaahinta usoo bandhigi doonaan Sargaalka iyo cadeymihii lagu qabtay.

Sargaalkaani ayaa waxa uu xiriir dhow la lahaa maleeshiyaadka Al-shabaab, inkastoo Saraakiisha NISA ay sheegen in Sargaalka iyo Al-shabaab ay u dhexeeyn jireen rag dalaaliin ah oo u kala dabqaadi jiray, si kaalinta Sargaalkaasi aysan usoo muuqan.

Docda kale, qabashada Sargaalkaasi ayaa kusoo beegmeysa xili Hay’ada Nabadsugida DF ay horay gacanta ugu dhigtay Saraakiil kale oo ka ganacsan jiray agabka loogu yabooho Ciidamada Militeriga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com