Maxaa kala soctaa tirada askarta AL-SHABAAB ay sanadkan ka dishay ciidamada dalka Uganda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Dowladda Uganda ayaa waxaa lagu shaaciyay tirada guud ee Askarta u dhashay Uganda ee Sanadkan ku geeriyooday Dagaalka ay kula jiraan Maleeshiyaadka Al-shabaab iyaga oo ka hoos shaqeynaya magaca AMISOM.

Qoraalka Dowlada kasoo baxay ayaa waxa ay kusoo beegtay xili Guutadda 14-aad ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ahaa AMISOM ayaa dib ugu laabtay dalkooda hooyo, kadib, markii ay dhamaysteen Hawlgal Nabad-ilaalin ah oo ay muddo Hal sanno u joogeen Somalia.

Sarreeye Guuto Sam Kavuma ayaa Guutaddaasi u ahaa Taliye ayaa waxaa iminka lagu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Entebe ee duleedka Kampala.

Taliska Guud ee Ciiddanka Uganda oo qoraalkaani soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay inuu ciiddankaasi soo gaaray Khasaaro kooban, iyadoo muddadii halka sanno ee qeybta ka ahaayeen Hawlgalka AMISOM laga dilay 22-Askari oo keliya.

G/sare Paddy Ankuna oo ah Afhayeenka Ciiddanka Uganda, ayaa ammaanay Hawsha ay Ciiddankaasi soo qabteen iyo kaalinta ay ku lahaayen xaqiijinta amaanka Muqdisho mudada kooban oo ay joogen.

Dhinaca kale, Tiradda Askarta Uganda kaga geeriyooday dalka Somalia ee sannadkan 2015-ka ayaa waxay kor u dhaafayaan 70-Askari, iyadoo 50 ka mid ah lagu dilay weerarkii ay Maleeshiyada Al-shabaab bishii September ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka AMISOM ku lahaayeen Deegaanka Jannaale ee Gobalka Sh/hoose.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaasi, waxa ayna cod iyo qoraalba ku sheegen in weerarkaasi ay ku dileen in ka badan 50-Askari, inkastoo uu Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni khasaaraha ku sheegay ilaa 13 Askari.

Ugu danbeyntii, Ciiddanka Uganda waxaa haatan Somalia ka jooga in ka badan 6,000 oo Askari, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM kula dagaalamayaan Xarakadda Alshabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com