Maxaa loogu kacsan yahay DENI xilli ay muuqdaan 7 qodob oo uu ku guuleystay?

Inkastoo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu wajahayo kacdoon u muuqda mid laga soo abaabulay meelo ka baxsan Puntland ayaa hadane waxaan qarsoomi karin waxqabad muuqdo oo ku kooban muddo 9 bil ah oo uu maamulkiisa shaqeynayo.

Waxyaabaha ugu waa-weyn ee la taaban karo ee uu hergiliyay maamulka Deni waxaa kamid ah.

  1. Waxaa hoos u dhacay dilalkii iyo qaraxyadii ka dhici jiray magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari kadib markii ay Booliiska iyo ciidamada amaanka kordhiyeen dedaalada sugidda amniga.
  2. In hoos u dhac weyn laga dareemayo amni darradii ka jirtay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug gaar ahaan dhinaca waqooyi ee hoostagta maamulka Puntland kadib markii halkaasi la geeyay ciidamo dheeraad ah oo xaafadaha dagay iyo wadooyinka.
  3. In markii uu xilka qabtay ilaa maanta ay bil walba shaqaalaha dowladda Puntland mushaarkooda qaataan.
  4. In la dhisay xeryo ciidanka lagu tabaro iyo in la baariyay xeraha ciidanka Keydka Puntland.
  5. In la durjiyay dagaalamayaashii Daacish ee Buuraha Ga-gala iyo kuwii kale ee ku sugnaa degaanada kale ee Puntland
  6. In ciidamada Puntland ay dib ugu laabteen degaano ku yaala xuduuda Somaliland iyo Puntland oo markii hore ay ka soo baxeen ciidamada mamulka kadib markii ay ka-cawdeen mushaar la’aan.
  7. In uu maamulkiisa hagaajiyay dhibaatooyin maamul xumo oo ka jiray gudaha Puntland waxaana hadda soo hagaagaya hogaanka iyo shaqada guud ee maamulka.

Maxaa looga soo horjeestay Madaxweyne Deni.

Saddexda waxyaabood ee ugu waa weyn sababaha keenay in Madaxweynaha Puntland ay ku kacaan qaar kamid ah Baarlamaanka iyo odayaasha waxaana kamid ah waxyaabaha uu sababsaday Deni.

  1. Xukuumadda Soomaaliya oo dooneysa in ay jahwareer siyaasadeed ka abuurto maamulada Puntland iyo Jubaland oo ah labada maamul ee kaliya oo maanta ka badbaaday gelidda gacanta dowladda oo lagu eedeeyay caburin iyo cadaadiska maamulada kale.
  2. In uu joojiyay siyaasiin iyo masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka oo saami siyaasadeed ku lahaa Xukuumadda Puntland iyo shaqooyinka kale ee maamulka
  3. Iyo beelaha qaar ee Puntland ay si caadi ahba u mucaaradaan beesha uu ka soo jeedo Madaxweyne Deni oo 10-kii sanaba mar qabta xukunka.

Maxaa la gudboon shacabka Puntland.

Ceeb ma ahan iyo dambi in la dhaliilo ama la mucaarado Xukuumad iyo hogaanka degaanka balse Puntland maanta waa degaanka kaliya ee dhulka Soomaaliya ee heesta maamul leh hey’ado dhisan iyo xasiiloni amni kana xor Al-Shabaab iyo argigixisada kale, sidaas darteed shacabka Puntland waxaa la gudboon in ay ka fikiraan aayaha maamulkooda iyo mustaqbalka jiritaanka Puntland.

W/Q: Axmed Xuseen Guuleed
Boosaaso, Soomaaliya 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid